Xukuumadda Somaliland oo Lajahad Adag ugu Jawaabtay Soomaaliya

0
1020

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta ahna Afhayeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa jawaab kulul ka bixiyey hadal kasoo baxay Dawladda Itaalka daran ee Soomaaliya oo iyadoo marin habaabinaysa shacbigeeda tirsatay  saddexdii qof ee doraad Xukuumadda Somaliland shaacisay in laga helay xannuunka Coronavirus.

Wasiirka Warfaafinta JSL wuxuu sidaas ku sheegay shir jaraa’id oo uu shalay ku qabtay Xarunta Wasaaradda Warfaafinta” Gabadha Wasiirka Caafimaadka ee Xamar joogta, dhaqankeenna ma aha in gabdhaha lagu tiigaalo waxaase odhan lahaa inaad fahanto, xog ogaal badan haddii aanad u ahayna aad wax ka ogaato, haddii ciddi sidaas kugu tidhina aanay waxba ka jirin. Ma jirto cid sheegan karta Xuquuqaha gaarka ah ee ummadda reer Somaliland. Xannuunkan qaabka loo maamulayo iyo cidda laga helay waa wax aanu annagu (Somaliland) maamulanay ee cid wax aanu u daba fadhinno ma aha, Gabadhaasna waxaan leeyahay intii kaa waaweynaydba is aragnay wax macno ah kuu sameyn mayso qof baa Hargeysa laga helay, horaynu u kala quusanee qoomamo la’aada.” Ayuu yidh

 

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta ahna Afhayeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa sheegay in aanay cadow ku ahay Shacabka Soomaaliya ee la daala dhacay colaada iyo dagaalada , waxana uu yidhi “Haddii aanu nahay Somaliland ma nihin dad cadow u ah ummadda reer Somalia oo neceb lana jecel inay ku sii dhex jiraan dhibka, baa’ba, qaraxa iyo in madaxdooda lagu ilaaliyo taangiyada. ma nihin dad la jecel inay dhibkaas ku sii dhex jiraan, Waxaanse leeyahay idinkuna noolaada annaguna waxaanu nahay dad isku tashaday waxna la idinka weydiin maayo arrimaha Somaliland”

 

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta ayaa waxa uu Meesha ka saaray in Somaliland ay soo gaadheen deeq dawo ah oo Soomaaliya u qabisay Maamuul goboleedyadeeda , waxana uu yidhi “Sidoo kale, Wasiir Ku-xigeenka Caafimaadka Soomaaliya ayaa isaguna sheegay in ay agab caafimaad u soo direen Somaliland, arrintaasi waxba kama jiraan waxaanan leeyahay ‘Riyo haddii ay dib leeyihiin dabadooda ayey ku qarin lahaayeen’ waxaan leeyahay idinku isku filnaada cidna waxba ha tarinee.”

 

Leave a Reply