Isbarbar-dhigay lagu Sameeyey Siday u Kala Horreeyaan Somaliland Iyo Soomaaliya

0
562

Khabiir Michael Rubin oo ka tirsan Machadka American Enterprise Institute ee dalka Maraykanka,  ayaa warbixin uu ku daabacay Warbaahinta Maraykanka kaga hadlay sida Dawladaha Somaliland iyo Taiwan oo ah laba dal oo aan la aqoonsani  ay ula tacaalayaan Xannuunka COVID 19.

Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo xigatay Michael Rubin oo sheegay in danjiraha Maraykanka u fadhiya Soomaaliya, Donald Yamamoto uu kaalmooyinkii iyo deeqihii oo dhan u duway dawladda  itaalka daran ee Soomaaliya, taasi oo uga gol leeyahay inay ku qabsato deegaanno badan, hase ahaatee, wuxuu Khabiirku  hindisahaasi uu ku sifeeyey mid gebi ahaanba khaldan, iyadoo ay masaafo aad u yar ka taliso dawladda Farmaajo.

Michael Rubin wuxuu tilmaamay in Soomaaliya 16kii sannadood ee u dambeeyey ay kaalinta koowaad kaga jirtay dalalka guul-daraystay ee caalamka, taasina ay nusqaan ku tahay in la siiyo kaalmo xad dhaaf ah.

Waxa kaloo uu intaas ku daray in markii Soomaaliya laga helay Coronavirus ay caalamka ka yaboohsatay dhaqaale gaadhaya $240 Milyan oo doolar oo dheeraad ah, xilli uu Maayarka Muqdisho ku eedeeyey dawladaas inay  buunbuuninayso xannuunkan.

Michael Rubin wuxuu ku eedeeyey dawladda Muqdisho iyo danjiraha Maraykanka inay  deeqaha caalamku siiyo Soomaalida  ay u diidaan inay Somaliland qaadato qaybteeda. Waxaanu Somaliland ku tilmaamay dal ka madax-bannaan Soomaaliya oo dimuqraadiyadi ka jirtay tan iyo sannadkii 1991kii.

Michael Rubin waxa uu Somaliland ku ammaanay inay $15 Milyan oo doolar ay cashuuraheeda uga jartay inay kaga hawlgasho xakameynta Xannuunka Coronavirus. Waxaanu ku dooday  inay  Somaliland si wax ku ool ah kaga horreyso Soomaaliya dhinaca daahfurnaanta iyo Hantidhawrka.

Leave a Reply