Wasiirka Warfaafinta oo mahad-naq u jeediyey Ganacsade bogaadin ka mutaystay Qaranka

0
503

Hargaysa(Dawan):- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka Iyo Wacyigelinta JSL Isla markaana ah Afhayeenka Xukuumadda Somaliland Mudane Saleebaan Yuusuf Cali { Koore} ayaa Mahadnaq balaadhan u diray Ganacsade Axmed Ismaaciil Ibraahin oo Xukuumadda JSL soo gaadhsiiyey (Hal Milyan iyo Afar Boqol oo Kun) oo Agabka ka hortaga Xannuunka Covid19 gaar ahaan kuwa loo adeegsado in afka iyo Sanka lagu xidho.

 

Qoraal uu ku Saxeexan yahay Wasiirka Warfaafinta ahna Afhayeenka Xukuumadda oo soo gaadhay Wakaaladda Wararka Somaliland Solna ayaa u dhignaa Sidan:-

 

‘’Anniga oo ku hadlaya afka xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, waxa aan halkan si aad iyo aad ah uga mahad-celinaynaa ganacsade Axmed Ismaaciil Ibraahim oo ah Somalilander si dhab ah u muujiyey dareenkiisa wadanimo, isagoo gartay in uu gurmad agab caafimaad ah ugu deeqo shacabka Jamhuuriyadda Somaliland, taasoo ah mid wax ka taraya ka hortaga COVID19.

 

Ganacsade Axmed Ismaaciil, waxa uu soo gaadhsiiyey xukuumadda HAL MILYAN IYO AFAR BOQOL OO KUN. Oo ah agabka ka hortaga COVID19 ee afka iyo sanka lagu xidho ee Mask protection.

 

Waxa kale oo aan ku amaanayaa Axmed is Xilqaankiisa wadanimo iyo garashadiisa fayoow ee uu ku gartay baahida dadkiisa iyo dalkiisa u qabaan agabkan caafimaad xiligan oo dunidu ku jihaysan tahay la dagaalanka cudurka COVID19.

 

Runtii caalamka oo dhan waxa ay ku jiraan dagaalka COVID19, geesiguna maaha ka xabada oo kaliya ku dagaalama, balse kan xaaladda aynu hada ku jirnaa waa dagaal, waxana kooxaha caafimaadka ee u adeega dadka uu soo ritay cudurkan loo aqoonsaday geesiyaal, sidaa darteed waxaynu Axmed u aqoonsanay geesi usoo gurmaday dadkiisa xili loo baahnaa.

 

Gunaanadkii Waxa uu Wasiirku ka Dalbaday Ganacsatada kale ee dalku inay talaabadan oo Kale qaadan Waxaanu qoraalkiisa ku Yidhi ”Ganacsatada waaweyn iyo muwaadiniintaba dalkaba waxa looga baahan yahay in ay ku daydaan Geesiga  Axmed Ismaaciil oo ay kaalintooda ka qaataan dagaalka lagula jiro cudurkan aafeeyey dunida oo dalkeenana hadda laga helay raadadkii u horreeyey ee COVID19”.

Allaa Mahad Leh

Leave a Reply