Qaabka Jidhku Is Cuno Maalmaha Soonka “Autophagy” Caafimaadka Ramadaanta!

0
665

Khabiir  aqoon xoogan u leh sida xubnaha jidhka aadamigu u sheqeeyo “Physiology” laguna magacaabo Yoshinori Ohsumi oo u dhashay dalka Japan ayaa ku guulaystay abaalmarinta Nobel ee caafimaadka sanadkii 2016, ka dib markii uu cilmi baadhis ku ogaaday in unugyada jidhka ee xumaaday ay dib isu cusboonaysiiyaan iyagoo raacaya nidaam loo yaqaano autophagy .

Yoshinori ayaa sheegay in Soonku uu arinkaasi aad uga qayb qaato,  waxaana uu sheegay  in marka uu qofku gaajoodo uu jidhkiisu bilaabayo inuu cuno Carbohydrates-ka iyo Dufanka ku kaydsan unugyada jidhka, taasi oo iyana horseeda in jidhku nadiif ka noqdo dhamaan unugyada keena xanuunada Kansarka, gabowga, dhiig karka, iyo jidhka oo laga saaro subagga dheeraadka ah “Cholesterol”.

Waxa kale oo uu cadeeyay in wakhtiyada gaajada, unugyada jidhku ay  burburiyaan borotiinnada iyagoo u isticmaala tamar. Unugyada jidhka ayaa sidoo kale baabiiya fayrasyada iyo bakteeriyada wakhtiga jidhku gaajoonayo. Nidaamkan oo ah “autophagy” ama  is raamsiga jidhka waa geedi socod muhiim u ah caafimaadka unugyada, cusboonaysiinta, iyo jiritaanka qofka iyo cimri dheeridiisa.

Autophagy waa hannaan dabiici ah oo uu jidhku ku burburiyo oo dib u warshadeeyo kuna cusboonaysiiyo unugyada waxyeeladu gaadhay, borotiinnada. Ereyga ‘autophagy’ wuxuu asal ahaan ka soo jeedaa ereyada Griiga ah ee “auto”, oo macnaheedu yahay “iskaa”, iyo ”phagein”, oo macnaheedu yahay “cuno” φαγειν”. Markaa,  waxa uu macnaha noqonaya is cunidda jidhka.

Dr. Yoshinori Ohsumi waxa uu ku taliyay in uu qofku isgaajeysiiyo oo aanu waxba cunin ugu yaraan 8 ilaa 16-saacadood oo xidhiidh ah 2 ilaa 3 maalmood todobaadkiiba, waxa kale oo uu sheegay inay qofka u wanaagsan tahay in sanadkiiba uu hal bil ah sidan sameeyo.  (newsin.asia)

Leave a Reply