Ramadaan: Bisha Kharyka Badan

0
490

Bisha Ramadaan waxa ay leedahay  Fadli aad iyo aad u weyn, waana fursad sanadkii hal mar soo marta dadka Muslimiinta ah, waa mid ka mid ah shanta tiir ee islaamku ku taagan yahay.

Bisha Soon waa bil lagu tarabiyeeyo Nafta, iyadoo la barayo sida  looga nadiifiyo arrimaha khariban iyo wixii xun oo dhan. Bishan Ramadaan waa bisha dulqaadka maxaa yeelay qofka inta uu sooman yahay waxa uu dareemayaa haraad  iyo Gaajo sidaas darteed,  oonka waxa uu qofka uu barayaa dulqaadka waayo wixii ay naftiisu doonaysay oo dhan ayuu Allah (sw)  dartiis uga tegayaa, isagoo rumaysan inuu xagga Allah abaal kaga helaayo.  Gaajada ayaa iyadun qofka barta in uu qalbigiisu khashuuco oo wax yaabihii shahawaadka ahaa uu iskaga tago.

Bisha Ramadaan waxay leedahay calaamado iyo fadli iyada ku gaar ah, Ramadaan waa bishii Quraanka Kariimka ah la soo dejiyay.  Bisha Ramadaan waxa la furaa Albaabada Jannada, waxaana la xidhaa ku Cadaabka.  Waxa kale oo la xidhaa Shayaadiinta madax adag. Waxaana ku jira habeenka Laylatul Qari. Oo ka fadli badan kun bilood camalka wanaagsan ee la sameeyo.

Leave a Reply