Maamulihii hore ee Ururka Hurdada Ingiriiska Dr.Neil Stanley oo u warmayay Wargeyska “The Independent “ ayaa sheegay in heerkulka qolka hurdada marka u aad u sareeyo uu dhibaato ku keeno dadka seexda, waxa kale oo dhacda inay ku riyoodaan muuqaalo riyo oo khariban oo naxdin xambaarsan.
Stanley wax uu si kooban u yidhi : “Si aan hurdo wanaagsan u helno, waxaa wanaagsan inaan ogaano heerkulka jidhkeenna, kaasi oo caadi ahaan gaadha 370C. Iyadoo wejiga iyo madaxuna loo baahan yahay in hal derejo ka hooseeyo. Haddaba marka aad seexato qol aad u kulul jidhkaagu ma lumin karo heerkulka loo baahan yahay.” Waxa kale oo oo u Ka digay in goor danbe oo habeenka ah raashinka la qaato kaasi oo kordhin kara heerka kulka.
Golaha Hurdada ee Ingiriiska ayaa iyagun talooyin soo saaray talloyinkan: “Ilaali heerkulka dhexdhexaadka ah ee qolka hurdada, marka uu kulaylku badan yahay ama qobowgu daran yahay, si wanaagsan uma seexan kartid.”