Dawada Covid-19 Anigaa Helay!

0
628

Madaxweynaha Madagascar, Andry Rajoelina, ayaa sheegay in sababta loo dhaliilayo daawo dhaqameed dhir laga sameeyey oo uu sheegay in ay lagu dawayn karo Covid-19, ay cadaynayso fikirka liita ee ay ree Galbeedku ka qabaan Afrika.

WHO , hay’adda caafimaadka Aduunka ayaa ka digtay in la isticmaalo dawo aan lagu tijaabin shaybaadhada. Iyadoo dawadan Madagascar aan lagu tijaabin shaybaadh.

Midowga Afrika ayaa isna sheegay in ay sugayaan caddaymo saynis oo muujinaya  wax tarka iyo awooda dawadaas oo loo bixiyay  Covid-Organics, inta aanay wax go’aana ka soo saarin.

” Hadii cidda heshay uu noqon lahaa dal reer Yurub ah dawadan, miyay cid ka shakidaa jiri lahayd? Ilama ah, ayuu yidhi madaxweyne Rajoelina oo u waramayey telefishanka Faransiiska ee France 24.

Madagascar waxay xaqiijisay in dadkeeda uu ku dhacay Covid-19 wadartoodu tahay 193 qof ilaa haatanna aan midna u dhiman.

Leave a Reply