Khudbad Qufac Dartii La Maqli Waayay

0
696

Wasiirka maaliyadda ee dalka Australia, Mr.Josh Frydenberg, oo khudbad u jeedinayay Baarlamaanka dalkiisa,  ayaa uu ku soo booday qufac xidhiidh ah. Xildhibaanada ayaa markii bilaabay inay shakiyaan in wasiirku  uu qaaday Caronavirus.

Warbaahinta Australia ayaa ku warantay in wasiirka daqiiqado si xidhiidh ah u qufacayay, taasi oo sababtay in Xildhibaanada ay maqli waayaan codka wasiirka iyo ujeedada hadalkiisa.

Ra’isul Wasaaraha Australia Scott Morrison ayaa wakhtigaasi isaguna fadhiyay , xildhibaanada iyo masuuliyiinta kulanka ka qaybgalaya ayay qaarkood ku qosoleen wasiirka qufacayay.

Qufaca badan ee Wasiirka oo keenay shakiga ayaa markiiba wasiirka baadhitaan lagu sameeyay lagu ogaaday in aanu qabin xanuunka covid-19.   Meel kasta oo dunida ka mid ah wakhtigan qofka qufuc xidhiidh ah lagu arko waxa loo qaataa inuu qaaday cudurka viruska Carono. Iyadoo sababta tahay in calaamadaha cudurka uu ka mid yahay qufuca joogtada ah.

 

Leave a Reply