Fariidku Waa Qofka Daacadda Ah!

0
1441

Daacadnimadu waa astaan wanaagsan , waana astaamo dadka lagu yaqaan ay dadka kale dheer yihiin. In qofku uu daacad ka noqdo shaqadiisa, masuuliyadiisa, kelmadihiisa iyo dhinac kasta oo nolosha ah waa mid muhiim ah oo mujinaysa geesnimada qofkaasi.

Qofku wuxu noqon karaa mid wanaagsan marka uu xidhiidhka dadka kale uu la leeyahay uu ka dhigo mid ku dhisan daacadnimo iyo akhlaaq wanaagsan.  Geesnimada iyo Ragnimadu ma noqon karto inuu qofku noqodo tuug, afmiishaar, khaayin iyo afku xoogle, dhibaato badan.

Qofka daacada ah dadka oo dhan ayaa aamina, halka ka aan sifadaa lahayn aaminadiisu shaki geliyaan. Abawaan Hadraawi wuxu yidhi “ Qofba wuxu ku dagan yahay halkuu daacad kaga hadho”. Haddii aad daacad noqon weydo waxaad noqonaysaa qof nolosha dhib badan kala kulma oo aan ku guulaysan horumarkeeda. Daacadnimaduna waa xeelad weyn oo aad ku kasban karto wax kasta.

 

 

Leave a Reply