Shuruucda Dunida Ee Cajiibka Ah!

0
728

Dalka Maraykanka sharci ahaan qaab aad u fudud ayay dadku u iibsan kaaa hubka noocaydiisa kala duwan.  Waxase cajiib ah in iyadoo hubku sidaa u fudud yahay  ay  haddana cuntooyin iyo badeecado ay mamnuuc tahay in laga ganacsado gudaha Maraykanka iyadoo qofka lagu qabto ciqaab xabsi iyo weliba ganaax la saarayo.

Sanadkii 2009kii, dawladda Mareykanku waxay sharci ahaan u joojisay iibinta buugaagta carruurta ee la daabacay sanadkii 1985 ka hor. Waxaana Sabab looga dhigay iyadoo daabacaada ay ku jiri karto qiiqa halis ah, taas oo keeni karta inay ku sumoobaan carruurta.

Sanadkii 1938 dalka Maraykanka waxa laga mamnuucay  soo dejinta ama soo saarista macmacaan kasta oo carruurta gaar u ah, sida Kider egg oo Yurub iyo Kanada caan ka ah. Waxa kale oo aan la ogolayn ka ganacsiga Jiiska Faransiiska kaasi oo aan laga ogolayn Maraykanka. Maraykanku waxay sameeyaan burcad kale oo la yidhaa Berry, laakiin dhadhankiisu uu ka duwan yahay jiiska Faransiiska ee dunida caanka ka.

 

 

Leave a Reply