Ururka Xoojinta qaranimada Somaliland oo diray hambalyo xuska 18 May

0
886

Hargeysa(Dawan)-Ururka Xoojinta Qaranimada Somaliland, oo soo saaray war-murtiyeed ayaa ka hadlay ahmiyada xuska 18 May, waxaanay hambalyo u direen shacabka Jamhuuriyada Somaliland sanad guurada 29-aad ee dib-u-ula soo noqoshada madaxbanaanida oo ku beegan maalinta beri ah.

Qoraal dheer oo uu Ururku soo saaray ayaa lagaga hadlay siyaasada gudaha, dibada iyo waliba xaalada dalku ku jiro.

Waxaanu u dhignaa sidan:-

HAMBALYADA MUNAASIBA 18 MAY JAMHUURIYADA SOMALILAND

Ururka Xoojinta qaranimada Somaliland wuxu hambalyo iyo bogaaadin munaasibada 29aad ee 18ka May, kana soo wareegtay xaqiijintii qarrankan ee lasoo noqoshadii gobanimadii luntay ee bohosha xun ku dhacday 1960, waxaanu tahniyad iyo hambalyo heer qarrana u dirannaa ummada reer Somaliland meel kastoo ay joogaaan dhamman dunida dacaladeeda.
Ururku, wuxu sallaan qarranimo u dirayaa guddida iyo xubnaha Ururka xoojinta qarranimada Somaliland meelkasta oo ay dunida ka joogaan, wuxu sallaan qarran guddoonsiinaya Madaxwaynaha , iyo madaxweyne xigeenka Jamhuuriyada Barakaysan ee Somalilnad, golayaasha qaranaka baarlamanka, hay’daha dawlada, golaha wasiirada, dhamaan saraakiisha iyo ciidamada qarranka, Golayaasha degaanada madax iyo masuuliyiinba waxaan Ilaahay ka baryeynaa inuu sanadkaa sanadkiisa bash bash iyo barwaaqo inagu gaadhsiiyo. Hambalyo 18 may.

Ayaxa iyo qarranka Somaliland

Horta marka hore ururka xoojinta qaranimada Somaliland waxay tahniyad u dirayaan wasiirka wasaarada Beeraha Somaliland oo shacabka u iftiimiyay wax qabadka ladagaalanka ayaxa ( Locust Control). Hargeysa waxaa saldhig weyn ku lahaa  hay’ada DLCO EA. oo xor ka ahaa illa xad dawlada, laakin maanta nasiib daro arin ay wasaarada beeraha ee Somaliland soo dhamaysay in Farmaajo dhexda u fadhiistay,waxaynu u arkaynaa taariikhda markii u horaysay garkaarkii USAID soo mariyey FAO,  kuna dambaysay  dawlada cuqdadad qabta oo u siysadaysay, danaha gaarka ee ay hore ugu guuldaraeysteen kuwii hore isugu dayay inay xoog ku muquuniyaan ujeedooyinkii dhabta ahaa ee ay lahaayeen umadaha reer Somaliland.
laakin hadanu nahay shacabka Somaliland, beesha Caalamka waxaanu u sheegayna in hadii la doonayo in si fican loo kontoroolo AYaxa, in Somaliland xor u noqoto la dagaalanka  ayaxa oo inta badan  koronkorada   ka dilaacda  xeebaha Somaliland  ku fido wadamada jaarka ah illa East Africa. Masuuliyada khasaaraha ka yimaada  dhawaac ku dhaca beeraha Geeska Africa waxaa iska leh kuwa u ogolaaday dawlad magac u yaalka ah ee Xamar ku oodan inay maamusho waxaanay aqoon u lahayn  ,iyo dayuurado leh astaantii dayuuridiihii Burburiyey magaalooyinka Somaliland, kumaanka kun ee qofna xasuuqay.

Midnimada dhimatay

waxaynu maalmahan maqalnaa ismaamul federal ah oo waxaan loo fidhiyin ku hadaaqa.  Hadii ay beesha caalamku 2012 kii soo jeedisay in Somaliland iyo Somalia ka wada hadlaan aayahooda, dhowr jeer oo horana  labada dhinaca isa soo hor fadhiisteen  waxyaalaha qaarna ku heshiiyeen, waxaa la filayey in wadahadaladii halkoodi ka sii socdaane maxaa keenay maanta ereyga ah “Somaliland baanu soo celinayna” ?
Dawlada Somalia ee beesha caalamku gacanta ku hayso waxaa u socda Sanadkii 4aad,hadday doonayaan wadahadalo iyo heshiis,waqti kumay lumiseen taageerada beesha caalamku siiso in ay Somaliland ku burburiso oo nabada iyo dimuqraadiyada Meesha ka saarto, dawladaha oo og xaalada Somalia oo 30 sanadood ku jirtay Intensive Care Unitka  oo sanadkii  beesha Caalmku ku qarash qarayso Hal Bilyan oo Doolar, dhowr kun oo ciidamo Afrikaan ah  ilaaliyaan , waa nasiib daro in isku dayaan in Somaliland u rahmanaato umana suuro gallayso.
Hadaanu nahay shacbka Somaliland waxaanu u sheegaynaya madaxwayne Farmaajo iyo Beesha caalamku in xalku yahay in ay Somaliland iyo Somalia  si dhakhso uga  wdahadlaan aayaha dhabta ah, noqdaana laba dawladood oo jaar ah oo is ictiraafa, xidhiidhkooduna ku sallaysan yahay is qadarin, wadaniyad wallaalnimo, jaarnimo, iskaashi caalami ahna yeesha, danahooda saxda ahna kawada tashada dhaqan iyo dhaqaalaba, walaalna noqda.

Ahmed Abdi Ibrahim
Afhayenka UXQSL
+252634054030

Leave a Reply