Qof Kasta Waxa Ka Maqan Ayuu Raadiya!

0
741

Markii uu Gaandi halgamaagii Hindiya wax ka baranayay Jaamacadda College of  London, macalin Ingiriis ah oo lagu magacaabi jiray  Wilson ayaa aad u necbaa.

Maxaa yeelay Gandi weligii madaxiisa hoos ugama dhigin marka uu isaga la hadlaayo sida ardayda kale. Mar kastana dood iyo dagaal ayaa ka dhex mari jiray.

Maalin isagoo Prof. Wilson ku qadaynaya hoolka jaamacadda ayuu Gandi isaguna qadadiisa soo qaatay oo meel agtiisa fadhiistay.  Wilson ayaa ku yidhi “ Gandi , miyaanad ogayn in Doofaarka iyo shimbirtu aanay meel wax ku wada cunin?”

Gandi ayaa markiiba si edeb leh u yidhi “ Ha werwerin Profossor, waan duulayaa”. Waana uu ka kacay isla markiiba goobtii. Wilson oo aad Gaandi u necebaa ayaa maalin kale fasalka dhexdiis ku weydiiyay “ Hadii aad hesho kiish lacag ah iyo Kiisha xikmad ah keebaad qaadan lahayd?”.

Gandhi ayaa markiiba ku jawaabay oo yidhi:” Waxaan qaadan lahaa  kiishka lacagta ah”.

Wilson ayaa isna ku yidhi “ Anigu xikmadda ayaan qaadan lahaa” . Gandi ayaa haddana u jawaabay oo ku yidhi “ qof kastaa waxa ka maqan ee uu u baahan yahay ayuu qaataa”. Ujeedaduna waa adiga xikmada ayaa kaa maqan anigana lacagta.

 

Leave a Reply