20 Doller Oo Khasaare Naf Iyo Maal Horseeday!

0
555

Marar badan ayaynu taariikhda ka akhrinaa dagaalo iyo dhacdooyin xanuun badan oo haddana ku bilowday arrin aad u fudud oo si dhib yar xal loogu heli lahaa. Waxaana ay muujisa in marka caqligu aanu sida saxda ah u fikirin in khasaaraha uu dhaliyaa uu aad u weyn yahay.

Dhacdada Maraykanka gilgishay ee uu ka dhashay khasaaraha weyn ayaa la sheegay inay ka bilaabantay $ 20, ka dib markii ninka dhintay ee George Floyd uu dukaanka Cap Foods ka iibsaday sigaar, isla markaana u dhiibay $ 20. Laakiin shaqaalaha dukaanka ayaa u fahmay in lacagtu faalso tahay isla markaana ka dalbaday George Floyd inuu soo celiyo sigaarka isla markaana qaato lacagtiisa $ 20, taasi oo uu diiday.

Shaqaalaha dukaanka ayaa booliiska ka dalbaday numbarka 911 ee deg deg ah, markii ay soo gaadheena hubsiimo la’aan ayay iyaguna ku amreen George inuu ka soo dego gaadhi uu saaraa, iyagoo markii danbena khasab kaga soo dejiyay.

Ninka dukaanka lahaa oo lagu magacaabo Mick ayaa NBC u sheegay in aanu markaasi isagu joogin laakiin uu George Floyd macmiilka dukaanka ka mid ahaa isadgoo ku sifeeyay inuu ahaa qof wanaagsan. Booliiska ayaa si arxan daro ah ula dhaqmay, ka dib markii jilibka uu kaga hayay qoort oo neefsashadii iska xidhay, taasi oo keentay dhimashadiisa.

Degdeg iyo hubsiimo la’aantu waxay ka mid tahay astaamaha kibirka iyo isl weynida kuwaasi oo horseeda burburka iyo dagaalada ka dhasha caqli xumada ee keena khasaaraha weyn.

Leave a Reply