Lama Ogola Maryaha Hanti-goosadka!

0
856

Qoraaga Shiinaha u dhashay ee lagu magacaabo Liang Heng ayaa qoraaladiisa uu kaga waramo wakhtigii uu xukunka dalkaasi hayay madaxweynihii shuuciga ahaa ee Moates Tong ku soo bandhiga ariimo yaab leh. Waxaana uu sheegay in  xukunkiisu ahaa mid waali ah oo aan miyir qab lagu tiring Karin.

Heng ayaa qoraalkiisa ku sheegay in maalin ay ciidankii casaa ee uu adeegsan jiray ay baadheen guriga Madaxweynaha aabihi Tong waxaana ay ku arkeen Nigtaynka qoorta lagu xidho oo mamnuuc ka ahaa dalka, isla markiiba waxay u sheegeen inay denbi tahay in lagu arko gurigiisa Nigtaynka sababtuna ay tahay inay xidhaan dadka hanta-goosadka ahi.

Laakiin haddana markii ay guriga hore usii galeen ayay arkeen xidhmo badan oo nigtaynka ah isla markiiba way qaadeen waana ay gubeen, waxaana ay xabsiga dhigeen madaxweynaha aabihii iyagoo ku eedayay inuu kaydsaday marayha dhaqanka u ah hanta-goosadka.  Moates Tong ayaa lagu eedayaa inuu dilay dad gaadhayay 60 malyuun mudadii uu xukunka haystay.

Leave a Reply