Hay’adda MSF oo agab caafimaad ku wareejisay Wasaaradda Caafimaadka ee Gobolka Awdal

0
450

Isuduwaha wasaarada horumarinta caafimaadka ee gobolka Awdal ayaa agab loogu talagalay Ka hortagga Cudurka Corana Kala Wareegay Hay’adda MSF.

Isu-duwaha wasaaradda horumarinta caafimaadka ee gobolka Awdal Dr. Mustafe Muumin Muuse waxa uu kala wareegay Hay’adda daawooyin iyo qalab kale oo ay ugu talo galeen ka hortagga xanuunka Covidh-19.

Ugu horeyn waxa halkaasi ka hadashay madaxa hay’adda M.S.F ee gobolka Awdal marwo. Koos waxayna tilmaantey inay cusbitaalka ay ku wareejiyeen qalab ay isku ilaalinayaan shaqaalaha caafimaadka, iyo qalab kale ee lagu daryeelo bukaanka, waxayna sheegtay in agabkaasi uu cusbitaalka ka caawin doono qayb ka mid ah baahiyihiisa, iyada oo tilmaantay inay rajayneyso in MSF ahaan ay joogteeyaan wixii hadba uu cusbitaalku u baahan yahay.

Sidoo kale, isu-duwaha wasaaradda horumarinta caafimaadka ee gobolka Awdal Dr. Mustafe Muumin Muuse, ayaa hay’adda MSF uga mahad-celiyey deeqdaas ay soo gaadhsiisay, isla markaana agabkan ku wareejiyey agaasimaha cusbitaalka ee magaalada Boorama, Waxaanu sheegay inay ka wasaarad ahaan ay heegan ugu jiraan dedaalka lagaga hortagayo xanuunka Coronavirus, isla markaana kor loo qaadi doono adeegyada wasaaradda horumarinta caafimaadka ee gobolka Awdal.

Ugu danbeyn agaasimaha cusbitaalka degmada Boorama Dr. Cabdisalaan Gahayr oo goobta ka hadlay ayaa sheegay inuu qalabkani ahaa mid loo baahnaa oo munaasib ku ah fulinta hawsha cusbitaalka, waxaanu uga mahad-celiyey hay’adda MSF, iyo isu-duwaha wasaaradda caafimaadka ee gobolka Awdal oo uu sheegay in uu kaalin fiican ka qaatay soo gaadhsiinta agabkaas.

Leave a Reply