Somaliland — Wasiir Si Kedisa uga Farxiyay Ubad Yar-yar

0
598

Darar-weyne (Dawan) Wasiirka wasaaradda xidhiidhka golayaasha iyo arrimaha dastuurka mudane Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, ayaa ka farxiyey sodon ka mida carruurta da’da yar ee ku nool deegaanka Darar-weyne oo dhinaca bari kaga beegan degmadda Ceel Afweyn ee gobolka Sanaag.

Wasiirka Dastuurka Somaliland mudane Maxamed Xaaji Aadan ayaa balan qaaday in uu bixinayo kharashaadka macalinka Quraanka baraya, sodon ka mida  ubadka yar yar ee ku nool deegaanka Darar-weyne, islamarkaana uu gacantiisa ku qorayo kalana xisaabtami doono macalinkaasi uu u xil saaran carruurtaasi yar yar inuu baro  Kalaamka ALLE.

Wasiirku waxaa uu sheegay in muddo saddex sano ah la doonayo in ubadkaasi ay ku aflaxaan ku gunaanadaan barashada Quraanka Kariimka iyo Qowlka ALLE.

Wasiirka wasaaradda xidhiidhka golayaasha iyo arrimaha dastuurka mudane Maxamed Xaaji Aadan Cilmi arrintan kheyriga ah ee uu ku dhawaaqay ayaa noqotay mid ka farxisay carruurta yar yar ee ku nool deegaankaasi iyo waalidiintoodaba waxaanu yidhi “Carruurta dugsiga Quraanka aynu xoojino, dadku marka ay Diin leeyihiin ayay ay dhisan yihiin oo waxan aynu ka hadleyno ay qiimeyn karaan oo fulin karraan.
Anigu ka Maxamed ahaan sodon arday oo Malcaamada Quraanka ah ayaan bixinaya mushaharka laga qaado, saddex sanadood waxaan ka rabba Sheekhan ayaan kala xisaabtami doonaaye in ilmahaasi aan qortay uu Quraanka dhammeeyo”

Arrintani uu wasiirku ku dhawaaqay ayaa ah mid albaab cusub u furaysa, xubnaha kala ee masuuliyiinta talada dalka heysa.

Sawirka wasiirka wasaaradda xidhiidhka golayaasha iyo arrimaha dastuurka Somaliland, mudane Maxamed Xaaji Aadan Cilmi ahna wasiirka balanqaaday in sodonka ubada uu ka bixinayo kharashaadka macalinka Quraanka baraya

Leave a Reply