Wasiirka Deegaanka Oo Soo Kormeertay Seeraha Hayaysa Ee Degmadda Ceel-Afweyn

0
707

Ceel-Afweyn (Dawan): Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa maanta kormeer ku soo martay Seeraha deegaanka Hayaysa oo ka tirsan degmadda Ceel-Afweyn ee gobolka Sanaag.

Seeraha Hayaysa ayaa ka mid ah Seereyaal dhawr oo taaaariikhi ah oo ku yaalla degmadda Ceel-Afweyn ee gobolka Sanaag oo xiliyadii dawladihii hore laga xidhi jiray xoolaha.

Kuwaasoo ay hadda qaorshaynayso wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland in la xidho, isla markaana  loo samayn doono shaqaalihii ka hawl geli lahaa iyo qaybihii xanaanaynta.

Wasiirka waxaa kormeerkaasi ku wehelinayay maayarka degmadda Ceel-Afweyn C/raxiin Aw Yuusuf, iyo isu-duwaha wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga ee degmadda Ceel-Afweyn C/raxmaan Xuseen Aadan.

Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, oo ka mida xubnaha wasiirrada ah ee hawlaha nabadaynta beelaha u jooga degmadda Ceel-Afweyn ayaa kadib markii ay kormeerka ku soo martay seerahaasi waxay ka hadashay taariikhda weyn ee uu seeraha Hayaysa ku lahaan jiray dalka gaar ahana Ceel-Afweyn.

Waxtarkiisii waayadii hore iyo qorshaha wasaaradeedda ee la xidhiidha sidii loo xidhi lahaa seerahan.

Geesta kale wasiirka deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland waxay sheegtay in ay qorshaynayaan sanadkan in ay sidii ay u xidhi lahayeen seerahan Hayaysa iyo kuwo kaloo deegaankaasi ku yaalla ay u xidhi lahaayeen.

Dhinaca kale maaayarka degmadda Ceel-Afweyn /raxiin Aw Yuusuf, ayaa ka warbixiyay faa’iidooyinkii uu seeraha Hayaysa lahaan jiray iyo xiligii ugu danbaysay in wax laga qabto.

Maayarka Ceel-Afweyn ayaa ka codsaday wasiirka deegaanka in si deg deg ah loo xidho seeraha, iyo in la sameeyo qaybtii Nursery-ga si ay uga helaan magaaladda Ceel-Afweyn oo aad ugu baahan dhirayn.

Daawo: Wasiirka iyo Maayarka Oo Arrimahaas Ka Hadlaya:

Dawannews.com/Hargaysa Office.

Leave a Reply