Madaxweyne ku-xigeenka Oromiya oo ku Gacansaydhay Bannaan-baxyada Mucaaridka

0
632

Adis-ababa (Dawan) Madaxweyne ku Xigeenka Dawlad Deegaanka Oromiya ayaa Sheegay in aanay u dulqaadan doonin Banaanbaxyada ay ku baaqeen Xisbiyadda Mucaaradka ee Oramiya.

Madaxweyne ku Xigeenka Dawlad Deegaanka Oromiya ee Itoobiya Addisu Arrega ayaa Sheegay in aan loo dulqaadan doonin Banaanbaxyada ay ku baaqeen Xisbiyada Mucaaradka ee Dawlad Deegaanka Oromiya zili lala tacaalayo Xanuunka Safmareenka ah ee Covid 19.

Madaxweyne ku Xigeenka Dawlad Deegaanka Oramiya ayaa waxa uu ku eedeeyay Xisbiyadda Mucaaradka in ay dadka halaagayaan xili lala tacaalayo Xanuunka Safmareenka ah ee Covid 19,isla markaana talaabo laga qaadi doono hadii ay isku dayaan in ay iskugu baxaan Mudaharaado.

Addissu arrega ayaa waxa uu intaasi ku daray in ay la socdaan dhaqdhaqaaqyada ay wadaan Xisbiyadda Mucaaradka.

Leave a Reply