Wasaaradda Caddaalada Somaliland oo Qalab ku wareejisay Xabsiyada Boorama iyo Gabiley

0
493

Hargeysa -(Dawan) Wasaaradda cadaaladda Somaliland oo kaashanaysa hay’addaha UNICEFE iyo UNDP, ayaa qalabka lagaga gaashaanto xannuunka Coronavirus ku wareejiyay masuuliyiinta xabisyada Awdal iyo Gabiley.

Ismahaan Xaaji Dool oo ah agaasimaha waaxda carruurta iyo haweenka ee wasaaradda cadaaladda ayaa si rasmi ah ugu wareejisay agabkaas masuuliyiinta jeelasha Gabiley iyo Boorama.

Taliyaha xabsiga Gabiley laba xidigle Cabdirashiid Maxamed ayaa Gaashaanle sare Siciid Xuseen Caynaanshe ayaa masuuliyiinta wasaaradda cadaalada uga mahadceliyay kormeerkaas ay ku tageen jeelasha magaalooyinka Gabiley iyo Booram.

Sidoo kale waxa ay in xuseen qalabkaas kor looqu qaadayo nadaafadda jeelasha, maadaama oo dalku ku jiro xaaladda la dagaalanka xannuunka safmarka ah ee Coronavirus.

Isuduwaha wasaaradda cadaaladda ee gobolaka Awdal Sucaad Cabdillaahi, ayaa sheegtay in agabkaasi yahay mid ay u baahnaayeen oo kaalin muhiim ah ka qaadan doona sidii kor loogu qaadi lahaa nadaafadda jeelasha, askarta iyo maxaabiista jeelashaas ku jiraba.

Ugu dambayn agaasimaha guud ee wasaaradda cadaalada Somaliland Cabdiraxmaan Sheekh Ismaaciil Xasan, ayaa kormeer ku soo maray dhismaha jeelka cusub ee magaalada Boorama, wuxuu sheegay in qalabkaas kala duwan ee ay gaadhisiiyeen jeelasha Gabiley iyo Boorama uu qayb ka yahay dedaalada xukuumadda ee la dagaalanka xannuunka Coronavirus, waxaanu u mahadceliyay hay’adaha UNICEFE iyo UNDP oo aqabkaas gacan ka gaystay.

Leave a Reply