Xildhibaan Budeeya oo Baaq Nabadeed u Diray Beelo Diriri ku Dhexmartay Deegaanada Buuhoodle

0
616

Hargeysa (Dawan) 1 ruux ayaa ku dhintray saddex kalena waa uu ku dhaawacmay dagaal beeleedyo ka dhacay magaalada Buuhoodle iyo deegaanka Gocon-dhaale, oo dhinaca waqooyi kaga began degmadda Buuhoodl.

Xildhibaan Cabdixakiin Cumar Faarax (Budeeye) kana mida mudanayaasha golaha guurtidda Somaliland ayaa baaq nabadeed u diray labadaasi beelood ee walaalaha ah, isaga oo ka codsaday in wixii dhintay dhinte halkaasi xabada lagu joojiyo oo ay nabadgeliyada ilaaliyaan.

Xildhibaanku waxaa uu waxgaradka deegaanada Buuhoodle iyo Laascaanood u soo jeediyay in ay wixii abniga waxyeelaya wax ka qabtaan oo ay, dhexgalaan labada beelood ee walaalaha ah ee dirirtu dhexmartay

Xildhibaan Cabdixakiin Cumar Faarax (Budeeye) kana mida mudanayaasha golaha guurtidda Somaliland  isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Habeen hore falba dhacay laba reer oo Hayaag iyo reer Hagar dhexdooda ayuu ka dhacay, horena aanadaasi waa ay u jirtay hase ahaate waa la heshiisiiyay oo nabad ayaa lagu kala qaatay arrintaas, waxaa arrintani soo cusbooneysiisay qolada Hayaag ayaa niman ku leysay deegaanka Gocan-dhaale marka nina waa dhintay nina waa dhaawac culus, kii dhintay ALLE haw naxariisto ka dhaawaca ahna ILLAAHEY haw booga dhayo ayaanu leenahay, shalay Buuhoodle is rasaaseyn ayaa ka dhacday ay qaadeen qolada reer Hagar, laba nin ayaa ku dhaawacmay.

Marka waxaan leeyahay arrintaasi halaga waantoobo islaamnimadana kuma wacna, tolnimadana kuma wacna, ILLAAHEY hortiina kuma wacna, maalin walba waxaa aad soo cel celineysaan dhiig islaam oo data, taasina lafihiina iyo islaamka ah jaarkiina iyo bulshada idinla degan toona ma anfacdo, waana wax aakhiro iyo adduunka labadaba aad ku seegaysaan, waxaan odhanlahaa maanta wixii dhacay dhece labadaasi reer wax danbe yaan laga daba geyn, tolka hala maqlo, islaamka hala maqlo, arrintaasi wixii dhacay waa ay dhaceen ee aan iska qabano wixii nabadgeliyada wax u dhimaya, maanta Buuhoodle amnidaro uma baahna iyo aagiisu,  xabad uma baahna, adduunka waxaa ka jira xannuun safmara kaasi ayaynu la dagaalameyna ee xabad kaasi isugu darimeyno”

“Dadka deegaankana waxaan u sheegaya hadii ay Laascaanood tahay iyo hadii ay Buuhoodle tahayba, waxgaradba jira, cuqaalba jirta, Garaada jira, nin garboodba jira, arrintaasi waxaa aan leeyahay halaga hawl-galo oo yaan leysku eegin oo dhimasho la sugin”Ayuu yidhi xildhibaan Cabdixakiin Cumar Faarax (Budeeye) kana mida mudanayaasha golaha guurtidda Somaliland

Sawirka xildhibaan Cabdixakiin Cumar Faarax (Budeeye) kana mida mudanayaasha golaha guurtida/xuquuqda sawirka Wargeyska Dawan

Leave a Reply