DDS oo xidhashada Gafuur Saabka lagu soo Rogay + Sawiro

0
731

Jig-jiga (Dawan) Dowladda deegaanka Soomaalida ayaa magaalada Jigjiga ku soo rogtay amar waajibinaya in qofkasta xidho Fool-saab, qofka aan xidhnayn waxa laga qaadayaa tallaabo.

Hay’addaha amniga ee degaanka ayaa caasimada DDS ee Jigjiga ka bilaabey in qof kasta oo u soo baxa magaaladu uu xidho gafuur-saabka (face mask)

Ciidamada amaanka oo dhex mushaaxaya magaalada ayaa ganaaxyo ku soo rogay dadka aan xidhneyn af-daboolka Face mask si looga taxadaro Corona viruska.

Talabadan oo ka mida awamiirta ay dawladu soo saartay ee lagaga hortagayo COVID 19, ayaa waxaa shacabka amar lagu siiyay in goobaha kaladuwan ee la isugu yimaado ay xidhaan afdaboolka cidii kudhaqmi weydana ay muteysanayso xadhig iyo ganaax lacageed.

Komishinerka Komishinka Booliska DDS R/k Maxamed Cali Xasen oo warbaahinta la hadley ayaa sheegay in maanta laga bilaabo talaabo laga qaadayo cid walba oo xidhan wayda af-daboolka, lana sii xoojin doono awamiirta lagu dhawaaqey hadda kahor.

Image may contain: one or more people, people standing and outdoor

Image may contain: one or more people, outdoor and closeup

Image may contain: sky, tree, car and outdoor

Leave a Reply