Deg Degg –Dawlada Somaliland oo Soo Afjartay Jabhad Dhawaan Gashay Buuraha Sanaag

0
641

Ceerigaabo (Dawan) Xukuumadda Somaliland ayaa soo afjartay tabasho ay Buuraha gobolka Sanaag u galleen Jabhad la magac baxday Xaqdoon.

Jabhadan iyo xubno ka mida golaha wasiiradda Somaliland ayaa in todobaadyadii u danbeeyay uu wada hadal u socday ayaa maanta ku soo dhammaaday guul, kaasi oo lagu soo afjaray tabashadii ay qabeen jabhadaasi la magac baxday Xaqdoon.

Sawirka xubno ka tirsan golaha wasiiradda iyo jabhada Xaqdoon/xuquuqda sawirka Cabdiraxmaan Ilsar

Gudigii nabadaynta mudooyinkii danbe u joogay Ceel Afweyn ayaa Nabad ku soo afjaray shaqaaqadii ka jirtay deeganada gobolka Sanaag.

Iyado si nabad ah ay ku xaliyeen jabhad gooni goosadka ahayd Ee dhawaan ka bilaamatay deegano ka mid ah gobolka sanaag.

Waxaana arrintani dhammeystirkeeda iyo soo afjaristeeda qayb libaax leh ka qaatay wasiiro in dhaweydba ku sugnaa deegaanka Ceel Afweyn.

Image may contain: 1 person, sitting and outdoor

Image may contain: 1 person, sitting, crowd and outdoorImage may contain: one or more people, people sitting and outdoor

Leave a Reply