Khaladkaaga Ayaa Waayo-aragnimo Ah

0
590
  • Si loogu guuleysto dhammaan hadafyada waxa asal u ah in la helo hogaamiye hal abuur leh.
  • Hogaamin hal-abuur leh micnaheedu waxay tahay in la isticmaalo aragti fog si loo bedelo doorkii qadiimiga ahaa ee amar bixinta loona bedelo wada tashi iyo wada shaqeyn.
  • Mar su’aal laga weydiiyay waa maxay sirta guusha; Abul Kalam Ghulam  oo ah madaxweyinhii Muslinka ah ee Hindiya, waxa uu ku jawaabay ‘waa marka aad gaadho Go’aanka saxda ah’.
  • Go’aanka saxda waxa sameeya waayo aragnimada ama khibrada.
  • Sidee ayaa khibrad lagu helaa ? ‘Go’aanada qaldan ayaa laga helaa’.
  • Macalinkaaga ugu wanaagsan waa qaladkaaga kugu dambeeyay.
  • Dhamaan Shimbiruhu waxay raadsadaan hoy marka uu roobku da’ayo laakiin gorgorku daruuraka ayuu kor mara si uu uga fogaado roobka. Awoodda aad leedahay adeegso.
  • Dhibaatadu way badan tahay laakiin hab-dhaqanka ayaa isbedelka keena.
  • Marka rajada, riyada & hadafkuba ay burburaan, baadh qashin qubka waxaa laga yaabaa inaad ka hesho fursad dahabi ah oo ku qarsoonayd xashiishkaasi.

Leave a Reply