Saboolkii Maalqabeenka Noqday!

0
427

Ninka lagu magacaabo Mr.Howard Schultz  oo ah Maraykan waxa uu dhashay sanadkii 1953, isagoo qoyskooduna uu ahaa sabool degan guryaha muuqaalkoodu liito.

Howard ayaa  sheegay in wakhtigaasi uu aad uga fikiri jiray sidii isaga iyo qoyskoodu ay uga bixi lahaayeen fakhriga. Waxaana aad u adkayd lacagta uu waxbarashada iskaga bixiyo, si taasi oo u helano waxa uu ku dedaalay inuu si fiican u barto kubadda cagta,  waxaan uu ka dhigtay xirfad uu iskaga bixiyo waxbarashada.

Ugu danbayntii waxa uu noqday mid farsamadiisa kubbada cagtu aad u sarayso, waxaana ay  xirfaddani u fududaysay in jaamacadda University of  Northern Machigan, ay siiso deeq waxbarasho madaama uu yahay laacib sabool ah.

Wakhtigii uu ka qalin jebiyay jaamacadda waxa uu shaqo ka helay huteelada Starbucks oo bunka laga cabo, oo dunida 60 huteel ku lahayd.

Sanadkii 1986 ayuu noqday maamulaha shirkadda huteeladaasi. Wakhatigaasi ayuu balaadhiyay ganacsigii shirkadda isagoo dunida ka sameeyay 16000 huteel.

Waxaana uu shirkadaasi ka shaqaynayay ilaa laga gaadhay sanadkii 2000. Mudadii ka danbaysayna waxa uu noqday hantiile samaystay shirkadda Seattle SuperSonics, isagoo sidoo kalena xubin ka noqday gudida maamulka ee shirkadda Square, Inc.

Bishii Disember 1, 2016, ayuu Mr.Schultz ku dhawaaqay inuu iska casilay maamulihii shirkadaasi  CEO of Starbucks, iyadoo weliba wakhtigaasi loo doortay madax fulinta ee shirkadda.

Laakiin bishii April 2017 waxa uu ku guuleystay inuu noqdo madaxa shirkada Kevin Johnson.   Howard Schultz  bishii Juun 4, 2018, wuxuu ku dhawaaqay inuu ka fadhiisanayo guddoomiyihii fulinta, waxaana laga ogolaaday bishii June 26, 2018. Howard Schultz  ayaa wakhtigaasi sheegay in sababta uu isku casilay ay tahay in himiladiisu tahay inuu isu sharaxo jagada madaxweynaha Maraykanka oo horeba u higsanayay

Wargeyska Forbes magazine ayaa sanadkii hore 2017  sheegay in Howard Schultz  uu yahay ninka 232 ee dunida ugu taajirsan isagoo haysta hanti dhan $ 3.1 Billyan.

 

Leave a Reply