Hay’adda GAVO oo jawaab adag ka bixisay eeddeyn loo jeediyey

0
906

“Ma jirto meel iyo goob sinaba iyo goornaba ay Hayada GAVO 30 sanno oo ay bulshada SL u adeegaysay ay u dhex gashay ama uga muuqatay wax ka baxsan wixii loo aasaasay…”Agaasimaha GAVO..

Hargeysa(Dawan)-Hay’adda Waddaniga ah ee GAVO oo kamida Ururrada Bulshada rayidka ah ee Somaliland, ayaa faahfaahin ka bixisay mashruuc muddo laba sannadood ah ka socday deegaamo ka tirsan Gobolka Saaxil, kaasoo kabis nololeed loogu fidiyo in ka badan lix kun iyo shan boqol (6500) oo qoys oo isugu jira dad ku caydhoobay Abaarihii dalka ka dhacay sanadihii la soo dhaafay oo ku baro-kacay Tuulooyinka iyo kuwo danyar ah oo magaalooyinka degen.
Mashruucan oo ay maal-gelisay Hay’adda Qaramada midoobay u qaabilsan cuntada ee WFP, isla markaana ay fuliso Hay’adda GAVO, ayaa ka socda in ka badan afarta tuullo oo ka tirsan Degmooyinka hoostaga gobolka Saaxil, iyadoo qoyskiiba lagu quudiyo qadar lacageed oo raashin ahaan loo siiyo.
Sidaasina waxa sheegay Agaasimaha fulinta Hay’adda GAVO Axmed Cumar Xirsi oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, isagoo ka jawaabay war been abuur ah oo lagu baahiyey qaar kamida mareegaha Wararka ee maxaliga ah, taasoo lagu sheegay in Ururkaasi musuqmaasuq ku sameeyey lacagta dadkaasi loogu dhiibo.
Agaasime Axmed Cumar Xirsi oo daba socda eeddeyntaasi, ayaa cadeeyey in mashruucan loo maamulo hannaan ka fog musuqmaasuq iyo wax isdaba marin, hay’ad ahaana looga baran gacan-bidixayn iyo musuqmaasuq in ay ku sameeyaan wax loogu talo galay umad danyar ah oo baahan.
Qof aan magaciisa sheegin ayaa warbaahinta kula wadaagay email Qoraal uu kaga hadlay wax uu ku sheegay musuqmaasuq, balse muu caddeyn qaabka marka horeba loo maamulo mashruucan.
Agaasimaha oo arrintaasi ka hadlaya ayaa “Warbixintan waan arkay, waxa ka muuqata in qofka qoray aanu xogogaal ahayn oo ay tahay sheeko samays ah, waana been cad, qofkuna marka uu wax qorayo waxa muhiim ah in uu xog dhab ah raadiyo.
Mashruucani wuxuu socdaa muddo laba sannadood ah, waxa loo maamulaa hab-xisaabeed daah-furan”ayuu yidhi.
Agaasimaha oo sharaxaada sii wada ayaa yidhi “Markii mashruucu bilaabmayey ee dadka la diwaan-geliyey Hay’adda WFP qoys walba waxa ay siisay Kaadhadh lacagta loogu shubo oo qof waliba magaciisa lagu diwaan-geliyey, sawir loogu sameeyey, faro laga qaaday, markaa hay’addu waxa ay lacagta ku soo shubtaa mishiin ay leedahay oo aanu annagu hayno, mishiinkaas marka lacagtu ku soo dhacdo iyadoo (Soft) ah, qof waliba kaadhkaas ayuu noola yimaadaa oo aanu lacagta ugu shubnaa, iyadoo marka mishiinka la mariyo si toosa ugu dhacda.
dabadeed qofku kaadhkaas ayuu ula tagaa Bakhaaro ganacsato ah oo Hay’adda WFP heshiis la gashay oo raashinkaasi bixiya, kaddibna qofku bakhaarkaas ayuu ka qaataa raashin wax ay uga goyso lacagta la siiyey oo dhan qoyskiiba $75 Dollar, annaga (GAVO) qofka waxa isugu kaaya dambeysa marka aanu u dirno lacagta ee aanu kaadhkiisa ugu shubno”.

Dhinaca kale, doorka Ururka GAVO ee mashruucan ayaa ah “Ka sekow in aanu dadka lacagta ugu qaybino habkaa ay hay’addu u dejisay, waxa kale oo aanu samaynaa wacyi-gelinta bulshada iyo in aanu dadka marka hore ee mashruuca la bilaabayey soo diwaan-gelinay oo aanu tagnay tuulooyinka iyo deegaamada ay joogaan,annagoo kala tashanay masuuliyiinta deegaamada laga soo qoray oo iyagu noo soo gudbiya liiska”
“Mashruucu wuxuu ka socdaa 46 tuullo oo ka tirsan degmooyinka gobolka Saaxil oo ay kamid yihiin Laasciidle, Abdaal, Mandheera, Go’da weyn iyo deegaamo kale”ayuu raaciyey.
Dhanka kale, warsaxaafaddeed Hay’addu ku baahisay baraha bulshada ayaa lagu cadeeyey in aan haba-yaratee hay’addu ku yeellan hanti lunsi iyo musuqmaasuq toona:
“Ma jirto meel iyo goob sinaba iyo goornaba ay Hayada GAVO 30 sanno oo ay bulshada SL u adeegaysay ay u dhex gashay ama uga muuqatay wax ka baxsan wixii loo aasaasay oo ah caawinta iyo taageerista dadka u baahan gacansiinta ee SL.

GAVO ma qaybiso mana qabato, cidna uma qaado lacag, ma qaybiso raashin marka laga hadlayo mashaariicda WFP kaalinta ay ku leedahay waa mid xadidan markaa warka degmada GO’da wayn ee la xidhiidha lunsi lacag waa been abuur cad oo aan sal iyo raad lahayn waxaananu u mari doonaa ka Hayad ahaan anagoo ilaalinayna sumcad a iyo sharafta Hayada nidaamka sharciga JSL.”ayaa lagu yidhi warsaxaafaddeedkan oo uu ku saxeexnaa Agaasimaha Hay’adda GAVO Axmed Cumar Xirsi.

Ugu dambeyn Agaasimaha hay’adda GAVO, waxa intaasi raaciyey in ay sharciga la tiigsan doonaan cid kasta oo arrintaasi ku lug yeellata.

Leave a Reply