Gobolka Sool oo laga taageeray Madaxweynaha Somaliland

0
631

Maamulka gobolka Sool, ka degamada Laascaanood, madax-dhaqameedka iyo wax garadka gobolkaas ayaa taageeray wada-hadallada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya ee ka furmay dalka Jabuuti.

Sida uu ku soo waramayo wariye Liibaan Axmed Ciise (Liibaan Qaran) oo wakaaladda wararka Somaliland ee solna uga soo warama gobolka Sool, waxana kulanka taageerada wada-hadallada ka soo qayb galay masuuliyiinta gobolka Sool, ka degmada Laascaanood, garaado, salaadiin, cuqaal, waxgarad, Haween, dhallinyaro iyo bulshada qaybaheeda kala duwan ee gobolkaas.

Ugu horayn waxaa halkaas ka hadlay guddoomiyaha gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, oo sheegay in madax bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland ay tahay lama taabtaan, isla markaana ay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ay ku taageersan yihiin khudbaddii taariikhiga ahayd ee uu ka jeediyey shirka Somaliland iyo Soomaaliya loogu qabtay dalka Jahuuriyadda Jabuuti.

Sidoo kale, waxa isna haalkaas ka hadlay maayarka degmada Laascaanood Cabdicasiis Xuseen Taarwale, oo tilmaamay sida ay muhiimka u tahay wakhtigan in ay Somaliland iyo Soomaaliya wada hadlaan si hore loogu socdo sidii qarankani aqoonsi caalami ah uga heli lahaa dunida intee kale, wuxuuna intaas ku daray in ay garabtaagan yihiin isla markaana ku taageersan yihiin madaxweynaha iyo weftiga uu hogaaminayo mawqifka cad ee ay la tageen shirka iyo khudbadii uu madaxweynuhu shirkaas ka jeediyey.

Geesta kale, masuuliyiintii kala duwaneyd ee goobtaas ka hadlay ayaa dhamaantood taageeray weftiga uu madaxweynuhu hogaaminayo ee dalka Jabuuti u jooga wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, iyaga si mug leh u taageeray kun bogaadiyey madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi khudbadii uu shirkaas ka jeediyey.

Leave a Reply