Daraasad cusub oo lagu daabacay majalad saynis ah ayaa soo bandhigtay in caruurta hal mar todobaadkii cunna kalluunku ay helaan hurdo wanaagsan, waxayna helaan dhibcaha ugu sareeya imtixaanada IQ ama fahmada carruurta aan cunin kalluunka iyo kuwa aan helin in ku filan.
Daraasadda ayaa muujisay xidhiidhka ka dhexeeya dufanka ku jira kalluunka oo laga helo noocyada kalluunka sida Salmon, Sardines, Tuna, kuwaas oo kor u qaada heerka fahmada iyo hagaajinta hurdada.
Baadhitaanka ayaa waxaa ka qeyb galay in ka badan 500 carruur China u dhashay oo da´doodu u dhaxeyso 9 ilaa 11 jir, waxay isugu jireen carruur joogto u cunta kalluun, kuwo bishii hal mar cuna iyo kuwa aan cunninba, waxaa la marsiiyey caruurta tijaabo imtixaan oo lagu baadhayey heerka fahamkooda ama IQ-da.
Haddaba Carruurta cunta kalluunka todobaadkiiba mar waxay ka horeeyaan 4.8 jeer kuwa dhif u cuna, carruurta dhifka u cuuna kalluunkuna waxay ka sareeyaan kuwa aan cunin 3.3 jeer.
Waalidiinta carruurta ayaa sidoo kale ka qaybqaatay cilmibaadhista, si ay u bartaan saameynta uu kalluunka ku leeyahay hurdada caruurta, waxaa halkaasi ku cadaatay caruurta cunna kalluun in ay ka hurdo wanaagsan yihiin kuwa kale.
Cilmi-baadheyaasha ayaa ku talinaya in lagu daro kalluunka nidaamka cuntada ee caruurta si tartiib tartiib ah marka ay weli caruur yihiin, waxaa suuragal ah in lagu daro saxanka caruurta kalluun sanadka labaad ee noloshooda, waxaa shardi ah oo keliya in si wanaagsan looga saaro lafaha qodxaha leh ee kalluunka ku jira.
Dhinaca kale. Professor Hildegard Bertsrempel oo ku xeeldheer nafaqaynta iyo faa’iidooyinka cuntada ayaa waalidiinta kula talisay in ay ku dedaalaan in ubadkooda ay toddobaad kasta laba jeer siiyaan mar ama laba jeer qiyaas ah 25 illaa 35 giraam oo kalluun ah midkiiba. Hildegard oo ah bare-sare oo jaamacadeed waxa ay sheegtay in kalluunku uu hodan ku yahay maaddooyinka iodine oo Soomaalida qaarkood u yaqaannaan Saliid-Naar, iyo asiidhka dufanka leh ee lagu magacaabo Omega3, labadaas maaddo oo lagama maarmaan u ah koritaan caafimaad qaba oo ay helaan maskaxda iyo indhuhu.
Hildegard oo xubin ka ah, degelka “Caafimaadku waa jidhkaaga nolosha” oo Jarmal ah ayaa iyada oo sii faahfaahinaysa arrintan waxa ay tidhi, “Waxaa fiican in waalidku uu carruurta yaryar siiyo kalluun, kaas oo bilowga hore ay ka dhigayaan kalluunka aan dufanka badan lahayn, sida nooca salmon ka loo yaqaanno iwm. Iyada oo weliba ay fiican tahay in aan la shiilin, sida inta badan aynu u isticmaalno.
Ma ogtahay in kalluunka qasacadaysan ee Tuna oo aad guryaheenna looga isticmaalaa uu ka mid yahay cuntooyinka khatarta ku ah ilmahaaga? Sababtuna waa kalluunkan Tuna oo uu ku jiro xaddi aad u badan oo ah maadadda Mercury oo khatar ku ah labada kelyood iyo maskaxda carruurtaba. Haddaba maanta waxa aan akhristayaasha la wadaagaynaa cuntooyin Kalluunkani ka mid yahay oo aad jikada guryaha Somaliyeed looga isticmaalo, laakiin khatar ku ah caafimaadka caruurta da’doodu u dhaxayso Gu’ jir illaa Shan sano jir. Qormadan oo aynu Afsoomaali u rognay waxa aan ka soo xiganay shabakadda Women health oo aad uga faalloota caafimaadka qoyska.
Tuna:
In kasta oo uu kalluunku faa’iidooyin aad u badan u leeyahay caafimaadka, haddana khubarada caafimaadku aad ayaa ay uga digaan in la siiyo carruurta da’doodu ka yar tahay Shan sano jirka. Sababtuna waa maadadda Mercury oo caadi ahaan aad ugu badan nooca kalluun ee Tuunaha loo yaqaanno, waxaana la og yahay in maadaddani ay khatar ku tahay shaqada kelyaha iyo maskaxda qofka, gaar ahaan caruurta.