Dab ka kacay Mid ka mida Xaafadaha Barakacayaasha ee Hargeysa

0
655

Hargeysa (Dawan) Saaka wuxuu dabka kacay barakaca xaafada isku raranta ah ee Naasa Hablood ee magaalada Hargeysa.

Ciidamada Dabdamiska, Booliska ee degmada Axmed Macalin Haaruun, ayaa si wada jira uga qayb qaatay daminta dabkaasi, kuna guuleystay inay bakhtiyaan.

Ilaa hada lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dabkani, iyo sababta dhalisay.

Maaha dabkii koowaad ee sidan oo kale uga kaca xaagdani laguna guuleysto balhtiintiisa.

Sawirka Ciidamada Dab-damiska oo ku hawlan daminta dab ka kacay xaafada isku raranta Naasa Hablood ee bariga magaalada Hargeysa.

Faahfaahinta warkan goor dhow filo

Leave a Reply