Wasiirka Warfaafinta oo ka Hadlay Xuska 26 Juun

0
643

Hargeysa-(Dawan)-Wasiirka wasaaradda warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali (Koore) ayaa maayarada dalka ka codsaday in ay si weyn ugu diyaar garoobaan xuska maalinta qaran ee 26 Juun.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali (Koore) oo ka hadlayey munaasibaddda daah-furka mashruuca JPLG, oo sannadkan loo wareejiyey la dagaalanka xannuunka Covid-19, ayaa sheegay in maayarada dalka laga doonayo inay muuneeyaan xuska munaasibada qaran ee 26 June oo noqonaysa 60 Guuradii ka soo wareegtay Markii ay JSL Xornimadeeda ka qaadatay Boqortooyadii Ingiriiska.

Wasiir Koore Wuxuu Maayaradda magaalooyinka dalka  u soo jeediyey in ay qabtaan xaflado kooban oo lagu xusayo 26 Juun, iyada oo la ilaalinayo badqabka bulshada xannuunka Coronavirus awgii, wuxuuna wasiirku soo dalbaday in taariikhda Somaliland laga soo bilaabo wakhtigii uu gumastuhu soo galay geyiga Somaliland iyo intii ka dambaysayba, isaga oo xusay in ay taariikh badani ku duugan tahay wakhtigaas 76 sannadood ah, isla markaana ay tahay mid aynu hor dhigi karno cidkasta oo uu madmadaw kaga jirto taariikhda Somaliland.

Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta , Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali (Koore) waxa uu ammaan iyo bogaadin u soo jeediyey guud ahaan maayarada dalka oo uu tilmaamay in ay wax badan qabteen, isaga oo kula dardaarmay in ay sii xoojiyaan horumarinta degmooyinka ay maayarada ka yihiin.

Leave a Reply