Hanaanka Waraabka Casriga oo Suuragaliyay in Bulshadu Hesho Wax-soo-saar ku filan

0
560

Hargeysa (Dawan) Nidaamka waraabka biya tif-qinta wuxuu  suurtageliyay in dhul wabiga ama goobta ceelku beerta uga qodan yahay  ka fog inaad ku beerato khudaarta noocyadeeda kala duwan waliba aad lacag badan ka sameysid.

Waxa Kaliya ee la sameynayo waa goob biyaha lagu keydiyo, barkad ama bac dhulka lagu duugo oo biyaha xareeda ama ceel biyood lagu shubo, kadibna inta tubooyin yaryar lagu xidhiidhiyo beertaada si sahlan lagu waraabiyo.

Hadaba hanaankan waraabka casriga ahi waxaa uu qofkasta oo beeraley ah u fududeynaya hadii ay u suuragasho inuu sameeyo, in la soo baxo wax-soo-saar ku filan isaga iyo bulshada inteeda kaleba.

Image may contain: outdoor and nature

Image may contain: plant, outdoor and nature

Leave a Reply