Sheekh Dirir oo Bayaamiyay Sababta uu inta badan uga Cudur-daarto Xilalka Dawladeed ee loo Magacaabo.

0
721

Hargeysa (Dawan) Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir,oo ka mid ah Culimada waawayn ee Soomaalida ayaa Bulshada u bayaamiyay sababta uu inta badan uga cudur-daarto hadii loo magacaabo xilal dawladeed ama xilal heer qaran ah.

Barnaamijka macagiisu yahay “Sheekh Dirir iyo kulanka warbaahinta”oo habeenkii jimcihii lagu qabtay Masjidka Rusheeye ee caasimada Hargaysa waxa uu Sheekhu si guud uga hadlay sida ay muhiimka u tahay in Saxaafada Somaliland iyo warbaahinta Soomaalidu ay mihnadooda shaqo ku saleeyaan mabaadiida guud ee islaamka,xoriyada iyo madax banaanid ay haystaan u gutaan si waafaqsan anshaxa iyo dhaqanka islaamiga ah,xeerarka dalka iyo danaha guud ee bulshada,iyaga oo ka fogaanaya wax kasta oo danbi iyo ciqaab ALLE lagu mutaysan karo if iyo aakhiraba.

Hadaba suxufi oo barnaamijkaa ka qayb galay oo kala ah Xasan Gallaydh,Badri Koosaar iyo Faysal Fifa,ayaa sheekh waydiiyay su,aalo kala duwan oo si khaas ah u khuseeya Sheekh Dirir iyo doorka uu ku leeyahay bulshada.

Wariye Faysal Fifa Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir waxa aad ka mid tahay culimada waawayn ee dalka ama Soomaalidaba,waxay dadku iswaydiinayaan inta badan xilalka dhanka dawliga ah ee laguu magacaabo waad ka cudur-daarataa,bal dadka u bayaami sababta aad xilalkaas uga cudur-daarato?

Sheekh Dirir:- Xagga xilalka barigii ay jirtay dawaldii hore ee Kacaanka ayaa dadka waxa lagu eedayn jiray “ahna ahna ahna”macnuhu waxa weeyaan qofku xil ayuu hayaa hadana xil kale ayuu hayaa,hadana ku sadexaad ayuu hayaa,markaa eedaymaha laga caban jiray ayay ka mid yihiin dadkuna waxay ku fiican yihiin in ay takhasusaad kala yeeshaan oo qofba meel lagu ogaado.

Horta waan ka cudur-daaranayaa taas aad tidhi culimada waawayn ayaad ka mid tahay ee anigu ardayda ayaan isku tiriyaa,waxa weeyaan in qofku uu naftiisa aqoonsado,marka uu qofku diin faafinayo ee uu dawadii isku dayayo in uu dadka wax ka gaadhsiiyo,madaama ay diintu daawo tahay,waxaana marar badan iska dhacda in wixii aad sheegaysay sidiisa loo qaato ay xilalka aad ka haysaa kaa hor yimaadaan oo waadiga arkay oo xilalkuna xasaasiyad badan ayay iska leeyihiin oo midiba meel ayuu ku yara calaamadsan yahay,markaa dhexdhexaadnimadii aad dhexdhexaad u noqon lahayd bulshada aad wax u sheegayso iyo sidii loo qaadan lahaa daawada aad gudbinayso ayay runtii carqalad ku noqotaa marar badan markaa qofka caadiga ahi waxa uu ku fiican yahay inuu dadkana dhex u noqdo iyo bulshadiisa aqoonta uu u gudbinayo loo qaadan karo si aan loo duri karin markaa taasi qayb wayn ayay runtii ka tahay,mararka qaarkoodna waxyaabo kale oo kusii xeeran oo xaga canaaqadda la xidhiidha ama in aad meeshii laguu magacaabay aad waxba ka qaban kari waydo iyaduna way jirtaa.

Leave a Reply