Bulsho Cabista Sigaarka Wada Joojiyay!

0
537

Dunida Waxa lagu qiyaasay  dadka sigaarka isticmaala cabistiisa tiro gaadhaysa  3.3 bilyan, waxaana la sheegay in sanad walba  ay ku dhawaad 5 milyan oo qof  u dhintaan cudurrada la xidhiidha cabista sigaarka.

Dalka Turkiga tirada dadka sigaarka caba ayaa lagu qiyaasay 17 milyan, iyadoo la sheegay in 250 qof ay maalin kasta u dhintaan sababo la xidhiidha sigaar cabista.

Haddaba tuulo yar oo ku taal badhtamaha Anatolia’s Yozgat ee dalka Turkiga ayaa dadka degani ay dhamaantood joojiyeen cabista sigaarka. Madaxa tuulada, Mr.Rifat Eraslan ayaa cadeeyay in dadka tuuladu uu midba midka kale ka caawiyay joojinta sigaar cabista.

Muhsin Varol, oo ka mid ah dadka degan tuuladan ayaa sheegay inuu sigaarka cabayay in ka badan 13 sano, ka hor inta aanu joojin. Waxaana uu yidhi “ Sigaar cabista waxa joojiyey dadka degaanka oo dhan.  Waan isku raacnay waxaan socod kooxeed ku  mara magaalada iyadoo aan rabno in aan ilaalino caafimaadka isla markaana dhiirgelino in aanay dadku dib ugu nqon cabista sigaarka.

Sigaar cabista ayaa sababa xanuuno kala duwan sida cudurrada neef-mareenka sare, caabuqyada soo noqnoqda, ciladaha codka ee dumarka, kansarka, oof-wareenka, Kansarka sambabada iwm.

Leave a Reply