Hurdada, Saska Iyo Riyada!

0
1496

Wakhtiyada qaarkood oo uu qofku seexdo waxa ku dhaca xaalad ah inuu dareemayo inuu la bakhtiinayo ama si kale loo ciqaabayo isagoon aan haddan awood uu isku difaaco lahayn. Waxa dadka qaarkood dhacda inay qayliyaan, cabsi darteed oo la toosiyo, kuwo kalen iskood ayay hurdada uga boodaan iyagoo naxsan. ย Dhacdooyinka guud ahaan waxay socdaan wax kayar dhowr daqiiqo.

Riyooyinka noocaas ah waxa lagu magacaaba โ€œphenomenon of sleep paralysisโ€ โ€œcuryaanimada hurdadaโ€. Arintan ayaa cilmi baadhis badan laga sameeyay laakiin haddana weli wax ay dadku liqi karaan lagama soo saarin.

Waxa jira warbixino aad u badan oo arinkan laga sheegay, iyagoo qaarkood si cilmi ah loo soo bandhigo, ย halka dadka qaarkoodna ay la ย xidhiidhiyaan Jimanka.

Aadamiga cilmigiisu maalin kasta waa uu kordhaa waxaana dhacda in arriimo hore loo diidanaa ay noqdan kuwo mar danbe la rumaysto ama arrimo laga baqday markii ay soo bexeen uu noqdo marka danbe wax caadi u muuqda.

Waayadii hore wax kasta oo ay dadku garan waayaan waxay ku riixi jireen inay tahay arrin ย jimanku ku shaqo leeyihiin iyagoo ka baqan jiryay.

Tusaale ahaan sanadkii 1895 bishii Decemebr 28, ayaa dalka Faransiisika waxa lagu soo bandhigay filimkii u horeeyay oo aan midab iyo cod lahayn waxaana filimkaasi loo bixiyay โ€œ”enter the train to La Ciotat station”ย  tareenkii waxa uu soo galay maxdadii Ciotatโ€. Iyagoo daawanaya filimkii ayuu markii danbe shaashadda ka soo baxay tareenkii oo soo socda, ย waxaana ay u qaateen inuu ka soo dhex baxayo shaashaada, iyagoo ilbidhiqsiiga kala yaacay oo aan midkoodna sugin filimka, albaabkiina la isku wad cidhiidhiya oo kii xooga weyna uu jiidhay kuwii itaalka dara.

Dareenka dadka ayaa waxa aanu arag cabsi iyo shaki ka qaba,ย  haddii dadkii hore looga sheekayn lahaa mobilada iyo shaashadasha Tv ee manta iyaguna waxay la xidhiidhin lahaayeen Jiman iyo shayaadiin waana ay ka baqan lahaayeen.

Bilowga hurdadu waa hab fudud cilmiya ah kaasi oo ah in maanka aadamigu uu si ku meel gaadh ah u jooojiyo shaqada muruqyada jidhka.

Huradadu waxay ku bilaabantaa in caqligu marka hore qufulmo, ka diban uu muruqyada jidhku iyana shaqada joojiyaan. Sidaas ayay ku bilaabanta iyo inay labada qaybood kala horeeyaan.

Waxaana hurdadu ka mid tahay nimcooyinka aadamiga Allah (sw) siiyay , oo haddana marka uu tooso uu markiiba shaqadiisa si firfircoon u gudanayo.

Marka ugu horaysay ee qufulka bilaabmayo ee maankuย  xidhmo isla markiiba haddii qofka lagu yidhaadho dab ayaa kacay toos si dhakhso ayuu boodayaa maxaa yeelay weli muruqyadii jidhki may joojin shaqada.

Laakiin marka qofku uu galo hurdada dhamaystiran ayuu bilaaba inuu riyoodo, waxaana uu ku riyoon karaa mid fiican iyo mid xunba. Laakiin haddana wakhtiga uu hurdo maskaxadu amaro ayay u dirtaa caloosha si loo shiido rashinkii uu ku seexday habeenkii.

Haddii uu qofku cunto culus qaatay sida hilibka iwm, waxa laga yaabaa in aanay calooshu amarkaasi fudud si fiican u qaadan waxaana ay keentaa in caqligu tooso oo uu bixiyo amaro intaasi ka badan, taasi oo ay si caadi u aqbasho calooshu.

โ€œphenomenon of sleep paralysisโ€ marka qofka ay ku dhacdo riyadu xumiย  waa marka uu ku jiro hurdo dheer oo caqliga iyo xubnuhu ay si ku meel gaadh ah shaqada u hakiyeen, waxaana ka mid ah marka qofku ku seexdo cunto culus sida aynu soo sheegnay waxaana wanaagsan in qofku aanu marka uu casheeyo markiiba seexan ee uu jimcsi ama socod sameeyo ama marka horeba ย iska yareeyo raashinka uu ku seexanayo, waxa kale oo sababi karaa mushkulado xaga qoyska oo haysta, shaoq laโ€™aan kuwaasi oo dhamaantood amarada ay maskaxdu bixinayso badaniya, ama soo jeed badan iyo iyadoo qofku cabsi ka qabay goobta uu seexday.

Weli ma jiraan xaalado dhimasho oo la diiwan geliyay oo xidhiidh la leh arinkan maxaa yeelay kama badato 3 ilbidhiqsi, xidhiidhina lama laha arrimaha geerida sababa.

Laakiin Isaalamku waxa uu qofka u jideeyay inuu seexdo isagoo wayso qaba isla markaana akhristo adkaarta hurdada ah, kuwaasi oo ka fogaynaya dhamaan waxyaabaha xun xun ee ay ka mid tahay riyada xun ee shaydaanku wato iwm. Islaamkuna qofka waxa uu nooleeya ruuxdiisa taasi oo aanu rumaysan khuraafaadka, mala awaalka iyo arrimaha aan asal kulahayn Islaamka.

Leave a Reply