Kulan dhexmaray Bulshada Rayidka iyo Wsaaaradda Maaliyada

0
466

Hargeysa-(dawan)-Wasaaradda horumarinta maaliyada ayaa qaar ka mida bulshada rayidka u qabatay kulan ku saabsan wada tashiga diyaarinta odoroska miisaaniyad sannadeedka 2021-kaas oo ay wasaaraddu ku hawlan tahay diyaarin teeda.

Kulankaas ayay u jeediisu ahayd in bulshada rayidka ahi ay talooyinkooda ku darsadaan qorshaha diyaarinta odoroska miisaaniyad sannadeedka 2021, iyadoo agaasomaha guud ee wasaaradda horumarinta maaliyaddu bulshadii rayidka ahayd ee kulankaas ka qayb-qaadanaaya u sheegay in arrintaasi ka mid tahay marxaladaha ay marto diyaarinta miisaaniyadu, waxaanuu intaas ku daray in kulankaasi muhiim u yahay diyarinta iyo dejinta miisaaniyada 2021, talooyinka ay soo jeediyaan bulshada riydka ahina ay ka mid noqon doonaan diyaarinta miisaaniyadda.

Muuse Ibraahin Yuusuf wasiir ku-xigeenka wasaaradda horumarinta maaliyadda ayaa sheegay in kulankaasi cadayn u yahay daah-furnaanta diyaarinta odoroska miisaaniyad sannadeedka 2021, talada ay ku darsadaan bulshada rayidka ahina ay tahay mid ka muuqan doonta miisaaniyadaas marka diyaarinteeda la dhameeyo.

Qaar ka mida bulshadii rayidka ahaa ee ka soo qayb-galay kulankaas ayaa wasaaradda horumarinta maaliyadda ku bogaadiyay sida ay bulshada uga talo galisay diyaarinta miisaaniyadda 2021.

Ugu dambayn wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyada Somliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa u mahadceliyay bulshadii rayidka ahayd ee kulankaas talooyinka ka dhiibtay, waxaanuu xusay in dalkeenu yahay mid koraaya, isla markaana miisaaniyadeena inta ugu badani ay ku baxdo dhanka ammaanka.

Wasiir Sacad wuxuu bulshada Somaliland u soo jeediyay in kor u qaadaan bixinta cashuuraha, taas oo ah wax kaliya ee dalkeenu ku gaadhi karo horumar.

Leave a Reply