Taliye Taani oo bilad geesi ku taxay Xubno Kamida Ciidamada Qaranka ee Deegaanka Yuube.

0
546

Ceerigaabo(SOLNA)Taliyaha Guud ee Ciidamadda qaranka Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani oo Mudooyinkii u danbeeyay Socdaal shaqo ku maray Gobolada Bari ee dalka, ayaa maanta Biladaha Geesinimada gudoonsiiyey Saraakiisha iyo Ciidamadda qaranka ee ku sugan Fadhiisinka Deegaanka Yube ee Gobolka Sanaag.

Sida uu ku soo waramayo Weriyaha wakaaladda wararka ee SOLNA uga soo warama gobolka Sanaag Maxamud Maxamed Xasan Saraaf waxa uu Taliyuhu Warbixin ka dhagaystay Saraakiisha sare ee Ciidanka qaranka ee deegaanka Yube.

Taliyaha Guud ee Ciidamadda qaranka Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani ayaa sheegay in Ciidanka qaranku yihiin kuwo hadh iyo habeenba heegan ugu jira sugida amniga qaranka.

Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani, Taliyaha Ciidamadda Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Wuxuu u kuur galay xaaladda ciidamadda isaga oo sheegay in billad geesidu ay wax aad u wayn ku soo kordhinayso ciidamadda isla markaana ay ku dhiiri galinayso in inay sii xoojiyaan difaacida Qarankooda.

Leave a Reply