Shan Faa’iido oo uu Kalluunku Leeyahay

0
841
  1. Kaluunku wuxuu qani ku yahay maadada omega-3, maadadan waxay aad muhiim ugu tahay shaqada maskaxda si guud ahaaneed, maadadan jirku sooma saaro, sidaa darteed waxaa waajib ah in laga helo cunada gaar ahaan kalluunka.
  2. kalluunku wuxuu leeyahay dufan aan badneyn, gaar ahaan cholesterol-ka nooca xumi kuma badna, sidaa darteed wuxuu u wanaagsanyahay dadka dagaalka kula jira baruurta, wuxuuna u wanaagsanyahay wadnaha iyo xididada.
  3. Wuxuu qani ku yahay proteins badan, wuxuuna u wanaagsan yahay shaqada jidhka guud ahaaneed iyo dhismaha muruqyada iyo hagaajinta shaqadooda.
  4. Wuxuu qani ku yahay vitamino badan gaar ahaan D iyo A, waxaana sidoo kale laga helaa macdano muhiim u ah shaqada jidhka.
  5. Wuxuu ka hortag u yahay cudurada qaar, wuxuuna dawo uyahay xanuunada kala-goysyada iyo kuwa kale.

Faa’iidooyinkaa iyo kuwa kaleba waxey inagu dhiirigelinayaan cunida kalluunka ugu yaraan todobaadkii hal mar.

Leave a Reply