Somaliland: Wasarada Diinta Oo Tababar U Qabatay Maamuleyaasha Medarasadaha

0
567

Hargeysa(Dawan): Agaasimaha guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Aadan Cabdillaahi Cabdalla, ayaa 150 Maamulayaasha Maddarasadaha Qur’aanka ee magaalada Hargeysa Tababar u furtay.

Tabobbar oo la xidhiidha barashada iyo xog-ka-siinta Manhajka cusub ee Maddaarista Qur’aanka uga furay maanta Machadka Tabobborka Macallimiinta Maddarasadaha iyo Imaamyada Masaajiddada (MTMI) ee xarunta Wasaaradda.

Furitaankii Tobobbarkaas ka sokow Agaasimaha guud, waxaa ka qaybgalay, Agaasimaha Shirkadda HEMA BOOKS oo iyadu Manhajka soo daabacday, Guddiga Manhajka diyaarisa

Xubno ka tirsan, Masuuliyiin Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta qaarkood iyo 150-ka Maamule ee Tabobbarkan halka maalin socday loo furay.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Sheekh Aadan Cabdillaahi Cabdalla, oo ugu horreyn halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in kulankan tabobbarka iyo xog-ka-siinta Manhajka Maddarasadaha Qur’aanka ee 150-ka Maamule maanta ka qaybgaleen uu yahay kii ugu horreeyey ee la xidhiidha Manhajka ee la siiyo Bahda Maddarasadaha oo Maamulayaasha laga bilaabay, isla markaana uu ay sii socon doonaan Tabobbarrada la xidhiidha Manhajka, lana gaadhsiin doono Dalka oo dhan.

Waxa uu Agaasimaha guud ee Wasaaradda Diintu sheegay inay farxad u tahay inay ka jawaabeen qaybo ka mid ah baahiyaadka iyo dalabkii Bahda Maddarasadaha, isla markaana loo baahan yahay in la dabbaqo Manhajkan Maddarasadaha Qur’aanka loo sameeyey ee dhaqan-galkiisa Wasiirka Diintu ku dhawaaqay 19-ka Julay 2020.

Agaasimaha Shirkadda HEMA BOOKS Xasan Cali, oo kulankaas ka hadlay, ayaa sheegay inay Ardaydu qiimo ay Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu u goysay oo jaban ku heli doonaan Buugaagta Manhajka Maddarasadaha Qur’aanka oo isla toddobaadkan la daahfuray.
Waxaanu sheegay in Buugaagta Manhajkan laga helayo inta badan Maktabadaha kala duwan ee dalka iyo Xarumaha kala duwan ee ay HEMA Books ku leedahay Hargeysa iyo gobollada qaarkood.

Sidoo kale, Agaasimaha Waaxda Masaajidda iyo Maddarasadaha ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Sheekh Maxamed Macallin Aadan, Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Albaani oo ah Guddoomiyaha Guddiga Manhajka Diyaarisay iyo Sheekh Mubaarik Muuse Faarax oo ka tirsan Guddiga Manhajka, ayaa iyaguna halkaas ka hadlay.
Waxaanu Maamulayaasha Maddaarista sharraxaad ka siiyey Manhajka, qaabka uu u diyaarsan yahay iyo faa’iidooyinka uu u leeyahay Barayaasha Maddaarista iyo ubadka ay Diinta barayaan-ba.

Manhajka Maddarasadaha Qur’aanka iyo Machadka Tabobbarrada Macallimiinta iyo Imaamyada Masaajiddada, ayaa Axaddii Toddobaadkan Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Daah-furay, isla markaana waxa si toddobaadle ah u sii socon doona Tabobbarrada Manhajka ee Machadka lagu siinayo Macallimiinta iyo Maamulayaasha Dugsiyada Qur’aanka, sida uu Agaasimaha guud sheegay.

Waa markii ugu horreysay ee ay Somaliland yeelato Manhaj mideeya Maddarasadaha Qur’aanka iyo Machad u gaar ah oo lagu tabobbaro Macallimiinta Maddarasadaha iyo Imaamyada Masaajiddada, kuwaas oo ay 2020-ka hirgelisay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Dawannews.com/Hargaysa Office.

Leave a Reply