Wefti ka kooban Wasiirro, Guurti iyo Haldoor kale oo howlgal lagu daminayo colaad ehli ah u tegay Gobolka Sool

0
348

Natiijad kulamo wefti la yeeshay Oday-garboodka Beelaha dirirtu dhex martay
Qore. Saleeban Kalshaale

Laascaanood(Dawan)-Wefti culus oo ay hogaaminayaan Wasiirrada Wasaaraddaha Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta iyo Arrimaha dibada iyo xidhiidhka Caalamiga ah, ayaa gaadhay magaalada Laascaanood gelinkii dambe ee maanta, kaddib markii ay socdaal colaad damin ah ku sii mareen Deegaanka Adhi-cadeeye oo ay shaqaaqo ku dhex martay laba beelood oo halkaasi wada degga.
Weftigan oo ka kooban Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Saleeban Yuusuf Cali Koore, Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibada Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon, Xildhibaano ka tirsan Goleyaasha Baarlamanka ee guurtida iyo Wakiillada iyo masuuliyiin iyo Haldoor kale, ayaa markii ay gaadheen degmada Adhi-cadeeye, waxa ay halkaasi kulamo kula yeesheen Odayaa iyo waxgarad ka soo jeeda dhinacyada ay shaqaaqadu dhex martay, kuwaasoo ay kala hadleen adkaynta nabad-gelyada iyo in aan dagaal dambe dhicin, wixii hore ee dhacayna gogol-nabadeed lagaga wada hadlo.
Wasiirrada iyo weftiga ay hogaaminayaan oo ay sidoo kale halkaasi kaga biireen maamulka Gobolka Sool, ayaa markii ay deegaanka Adhi-cadeeye ka unkeen xadhigga nabaddeynta beelaha dirirtu dhex martay, gelinkii dambe u ambo baxay Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka, halkaasoo ay ka sii wadayaan howlgalka lagu daminayo colaaddaasi.
Sida uu ku waramay Wariyaha Warbaahinta Qaranka ee Magaalada Laascaanood, weftiga waxa kale gaar gaar ula kulmeen Cuqaasha iyo Oday-garboodka Beellaha oo ay ku adkeeyeen in ay dayr u noqdaan xasiloonida iyo in ay hormuud ka noqdaan dib u soo celinta nabad-ku-wada noolaanshiyihii bulshada Shaydaanku colaada ka dhex huriyey, arrintaasoo ay dhankooda aqbaleen waxgaradka iyo Odayaashuna.
Geesta kale, xaalada Magaalada Adhi-cadeeye iyo jiidaha ku hareeraysan ayaa maalintii shalay degenayd, halkaasoo iska hor-imaad ku dhex maray maalintii Isniinta laba maleeshiyo beeleed.
Dhanka kale, weftigan Wasiirradu hogaaminayaan ayaa ku sii sugnaan doona gobolka Sool maalmaha soo socda, waxaanu sida la filayo wefti tegi doonaa deegaamo kale oo gobolkaasi ka tirsan oo iyagana xiisadi ku dhex martay Beello kale, gaar ahaan deegaanka Jidbaale oo Jimcihii dagaal khasaare sababay ku dhex maray maleeshiyaad hubaysan, kuwaasoo ay Ciidamadda Qaranku kala dhex galeen.

Leave a Reply