Xukuumadda oo Soo saartay Qorshe Waxbarasho oo lagu Noolaynayo Afka Hooyo

0
849

Hargeysa (Dawan) Xukuumadda Somaliland  ayaa soo saartay qorshe waxbarasho oo lagu noolaynayo afka hooyo, islamarkaana meesha ka saaraya dugsiyada hoose dhexe ee dalku in ay wax ku dhigaan luuqad qalaad.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland, mudane Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) ayaa sheegay in laga bilaabo 29-ka bishan dalka ay mabnuuc ka tahay dugsiyada hoose dhexe ee dawlada iyo kuwa gaarka loo leeyahayba in manhajka Somaliland oo ku qoran Afka Hooyo wax aan aheyn in lagu dhiga in ay tahay mabnuuc.

Waxaanu wasiirku intaas ku daray in dugsiga gaarka loo leeyahay ee lagu arko luuqad qalaad in uu waayi doono ruqsada uu ka heysto dawlada, iskuulada dawliga ahna ee iyagana lagu arko in sidaaso kale iyaga oo luuqad ka baxsan Afka Hooyo wax ku dhigaya in maxkamadd lala tiigsan doono.

 

Wasiirka oo qodobkaa ka hadlayana waxaa uu yidhi  “Maamulayaasha maanta laga bilaabo waxaa loo sheegaya in maamulaha fasalo dheerad ahi u dhisan yihiin ee macalimiin dheerada haysta ee teeramka koowaad ee sannadkan ku buuxin waaya waxaa la odhanayaa maamule waad ku guuldaraysatay maamule kale ayaa la keenaya adiga maamulenimadu kuguma wanaagsana.

Sharciga waxbarashada Somaliland waxaa ku qoran fasalka koobaad ila ka sideedaad waxaa maadooyinka lagu dhiganayaa luuqada Afka Hooyo ee Soomaaliga, luuqada Carabiga iyo Diintuna Carabi ayay  ku qoran yihiin, luuqada Ingiriisiga isaga Ingiriisi uunba lagu dhiganayaa”

Waxaanu wasiirku intaas ku daray in dugsiga gaarka loo leeyahay ee lagu arko luuqad qalaad in uu waayi doono ruqsada uu ka heysto dawlada, iskuulada dawliga ahna ee iyagana lagu arko in sidaaso kale iyaga oo luuqad ka baxsan Afka Hooyo wax ku dhigaya in maxkamadd lala tiigsan doono. “Waxaan faraya guddoomiyayaasha gobolada iyo degmooyinka ee waxbarashada iyo agaasimayaasha waxbarashada iyo cidkasta oo waxbarashada ka shaqeysa dugsiga hoose dhexe ee Manhajkii Somaliland ee luuqada Afka Hooyo mid aan  aheyn wax ku dhiga, iskuulka gaar loo leeyahay ee jabiya sharcigaana liisanka ayaa laga qaadayaa ardaydana waxaa la odhanaya dugsi kale taga, 29/8/2020 iskuulka gaar loo leeyahay ee lagu arko isaga oo ardayda wax ugu dhigaya luuqad qalaad liisanka waa laga qaadaya, ka dawladda ee lagu arkana maxkamadda ayaa la geynayaa”

Wasiir Toorno mar uu ka hadlayay qorshaha deeqa waxbarasho ee heer jaamacadeed uga meel yaala waxaa uu yidhi “Deeqda waxbarasho ee sannadkan  ay hayso  wasaaraddu ee ay  ku tallo gashay waxaa aanu la shirnay jaamacadaha danta guuda, ama dawladu ha maamusho ama cid kale ha maamushe, oo sideed jaamacadooda waxaa aanu kula heshiinay boqolkiiba laba iyo toban in lacag la’aan ay ku bixiyaan, kun arday hadii ay jaamacad soo gasho boqol iyo labaatan arday ayaa lacag la’aan lagu bixinayaa”

Leave a Reply