Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Maroodi-jeex Waajib Faray Ciidanka Asluubta ee Xabsiga Hargeysa

0
654

Hargeysa (Dawan)-Guddoomiyaha maxkamadda racfaanka gobolka Maroodi-jeen Dr. Cali Suudi Diiriye, ayaa booqday islamarkana u kuurgalay xaaladda maxaabiista ku xidhan Xabsiga Hargeysa.

Guddoomiyaha maxkamada racfaanka ayaa socdaal ku tagay xabsiga weyn ee magaalada Hargeysa, socdaalkaasi oo la xidhiidhay ka war doonka xaaladdaha kala duwan, ee maxaabiista Xasbiga dhexe ee Hargeysa ku sugan yihiin.

Gudoomiyuhu waxaa uu qof qof u wareystay xukumaneyaasha iyo xukun sugayaasha Jeelka oo uu weydiiyay daryeelka ay xabsiga ku qabaan, waxaanu bogaadiyay habka ciidanka asluubtu ula dhaqmaan maxaabiista.

 

Sido kale waxaa uu ciidanka asluubta ku adkeeyay in ay xuquuqda maxaabiista u dhawraan sida sharciga farayo, kana illaaliyaan wixii xadguduba.

 

Sawirka Xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa/xuquuqda sawirka Wargeyska Dawan

 

Leave a Reply