Masaajid Laga Hirgeliyey Deegaanka Barqo Maal

0
603

Burco(Dawan)Hay’adda EWADA ayaa degaanka Barqo Maal oo ka tirsan gobolka Togdheer ka hirgelisay Masaajid ay ugu talo gashay dadka degaankaasi, iyada oo aanu degaankaasi hore u lahayn Masaajid.

Masaajidkan ay Hay’adda EWADA Ka hirgelisay degaanka Barqo Maal ayaa kamid ah mashaariicda Khayriga ah ee ay Hay’addani ka waddo Somaliland, iyada oo aanu degaankani hore u lahayn Mederasad iyo Masaajid midna.

Ugu horeyn waxa mashruucan masaajidka lagu dhisaayo ka warbixiyey guddoomiyaha Hay’adda EWADA Sheekh Aadan Xasan Siciid , waxaanu u mahadceliyey cid kasta oo ka qayb qaadatay  dhismaha masaajidkan, isaga oo tilmaamay in masaajidkan ay rajaynayaan in uu dhowaan gebo geboobo.

Masaajidkan ayuu ku tilmaamay Guddoomiye Sheekh Aadan Xasan Siciid in uu qayb ka yahay mashaariicda khayriga ah ee ay Hay’adda EWADA gacanta ku hayso oo ay inta badan ka fuliso goobaha looga baahan yahay.

Degaankan oo ay ku nool yihiin dad gaadhaaya ilaa 250 qoys ayaan lahayn Madarasad iyo Masaajid, waxaanay carruurtu wax ku bartaan geed hoosti.

Geesta kalena Guddoomiyaha Tuulada Barqo Maal Xuseen Daahir Ismaaciil oo isna goobta ka hadlay ayaa u mahadceliyey Hay’adda EWADA , isaga oo tilmaamay in ay bulshada u dhistay Masaajid ay baahi weyn u qabeen.

Leave a Reply