Golaha Wakiillada Somaliland oo loo Qaybiyey Xeerka Doorashooyinka Qaranka

0
578

Hargeysa (Dawan) Mudanayaasha golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta loo qaybiyey xeerka guud ee doorashooyinka qaranka iyo diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha ee xeer Lambar 90/2020.

Iyada oo uu fadhigaas shir gudoominayey guddoomiyaha golahaasi Mudane Baashe Maxamed Faarax, waxaana mudanayaasha golahaas warbixin ku saabsan wax ka bedelka iyo kaabista xeerka guud ee doorashooyinka qaranka  iyo diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha ee xeer lambar 90/2020, ka horjeediyey guddoomiyaha guddida arrimaha gudaha, difaaca iyo nabadgalyada ee golaha wakiillada Cabdillaahi Xuseen Cige (Cabdilaahi Balaaki), isaga oo sheegay in xeerkaasi ka kooban yahay saddex xeer oo hore u jiray oo kala ah, xeerka lagu dooranayo madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka, golayaasha deegaanka, wakiillada iyo codbixiyeyaasha oo lagu mideeyey hal xeer oo kaliya.

Wuxuuna guddoomiyaha guddida arrimaha gudaha, difaaca iyo nabadgalyada ee golaha wakiillada Cabdilaahi Balaaki, oo xildhibaannada golahaas faahfaahin ka siiyey qodobada ay wax ka bedelka iyo kaabista ku sameeyeen, wuxuuna mudanayaasha golaha wakiillada ka codsaday in ay waajibkooda ka gutaan.

Halkan ka Daawo

Leave a Reply