Goobaha Dunida Ugu Nadaafadda Badan

0
557

Dalka Singapore haddii uu qof muwaadin ahi uu dariiqa uu marayo ku tuuro xashiish ama shay kale oo nadaafadda guud wax yeelaya waxa sharci ahaan dalka ka yaalla inuu qofkaasi mutaysan doono qodobo ciqaab ah.

Qodobka Ciqaabka ah ee qofkaasi jebiyay aya xukunkiisu yahay inuu muddo saddex maalmood ah oo isku xiga uu dariiqayada magaalada nadiifiyo isagoo weliba xidhan dirayska shaqaalaha nadaafadda, waxaana sadexdaasi maalmood uu si rasmi ah uga mid yahay shaqaalahaasi oo uu liiska ugu jiro.

Wakhtiga shaqada uu gelayo, ka bixidda iyo weliba goobta uu nadiifinayo waa mid uu kala mid yahay shaqaalaha caadiga ee nadaafadda ka sheqeeya.

Qanuunkan ayaa ka dhigay ka dhigay dalkaasi kuwa ugu horeeya dunida dhinaca nadaafadda magaaloyinka. Waxa kale oo sharcigani ka dhigay shaqaalaha nadaafadda mid furan oo qof kasta uu noqon iyadoo mararka qaarkood la arko dad magaca leh oo nadiifinaya dariiqyada iyo suuqyada ka dib ganaxaasi ku dhacay awgeed. Waxana ay taasi keentay inay noqdaan goobaha dunida ugu nadaafadda wanaagsan.

Leave a Reply