- Hadaad rabto inaad farxad ku noolaato muddoo gaaban aargooso, haddii aad doonaysid inaad mudo dheer ku nolaatana saamax iyo cafis u same dadka.
- Caaqilku waa qofka carbakiisu ka danbeeyo maskaxdiisa, nacaskuna waa kan carabkiiu ka horeeyo makaxdxaiis
- Dadku waxay arkaan xanuunka jidhkaaga ka muuqda laakiin ma arkaan xanuunka ruuxdaadu la il daran tahay. Kan dadka ugu caqli badani waa kan isu haysta inuu ugu xikmad yar yahay.
- Iska jir in khalad aad mar gashay maskaxdaada ka bixi waayo , waayo wuxu ka horjoogsanaya inaad dadaal danbe samayso oo cabsi ayuu kugu abuurayaa. Ka qaado cashar ka dibna iska tuur.
- Nin dhalinyaro ah ayaa aabihii ku yidhi : “Aabo sideen ku heli karaa gabadh wanaagsan?!.
Aabihii ayaa ugu jawaabay: “ Iska ilow sidaad ku heli lahayd gabadh wanaagsan, ee horta adigu ku dadaal sidii aad u noqon lahayd qof wanaagasan”!.