Hay’adda Shaqaalaha Dawladda oo Madaxtabasho ka bilowday Togdheer

0
578

Burco-(Dawan)-Agaasimaha guud ee hay’adda shaqaalaha dawladda ayaa kormeer ku soo maray goobaha ay ka socoto hawsha madaxtaabashada shaqaalaha dawladda ee hay’adda shaqaaluhu ka wado gobolka Togdheer. Sida uu ku soo waramayo wariye Madah Ibraahin Aadan (Mahad Soomane) oo wakaaladda wararka Somaliland ee solna uga soo warama gobolka Togdheer.Agaasimaha guud ee hay’adda shaqaalaha dawladda Jamhuuriyadda Somaliland Xamse Suldaan Aadan, oo hawlo shaqo u jooga gobolka Togdheer ayaa soo kormeeray goobaha ay ka socoto hawsha madaxtaabashada shaqaalaha dawladda, isaga oo sheegay in ay ujeedadoodu tahay sidii loo xaqiijin lahaa shaqaalaha rasmiga ah ee dawladda, isla markaana loo hubin lahaa in ay yihiin shaqalihii saxda ahaa ee hore loo diiwaangaliyey, wuxuuna intaas ku daray in ay qiimeynayaan habka shaqada dawladdu u socoto, wuxuuna tilmaamay in ay shawshaas ka fulin doonaan magaalooyinka waaweyn ee dalka iyo degmooyinka qaarkood, isaga oo cadeeyey in ay hawshaasi si wanaagsan u socoto. Waxa kale, oo isna halkaas ka hadlay agaasimaha waaxda qorsheynta ee hay’adda shaqaalaha dawladda Cabdiraxmaan Xasan Cabdilaahi, oo sheegay in madaxtaabashada shaqaalaha lagu ogaanayo xogta rasmiga ah ee shaqaalaha dawladda, isla markaana lagu xaqiijinayo habka shaqada iyo shaqaalaha dawladda.

Leave a Reply