Awoodda Saxaafadda!

0
487

Mr,Malcolm X wuxu dhashay sanadkii 1925 waxaana uu ahaa agoon Maraykanka Madow oo Muslim ah, waxaana aabihii la dilay isagoo 6 sano jir , hooyadiina waxa ku dhacay xanuunka maskaxda  waxaana ay ku jirtay Isbitaalka dadka waalan.

Waxa dadaalkiisii iyo halgankiisa ku noqday ninka ugu magac weyn African-American taariikh ahaan .

Xorriyadda dadka madow aad ayuu uga qayb qaatay laakiin shirqool ayaa lagu dilay sanadkii 1965 isagoo jooga Newyork.  Al-haji Malolm X, waxa uu ka yaabay sida warbaahintu waxa ay doonayso u buunbuuniso isla markaa dhegaha dadka ugu celicelisa oo qaada dhigta si ay rumaysaan.  Waxaana uu ku soo koobay wax tilmaanta uu ka bixiyay saxaafadda erayadan:

“ Media, ama warbaahintu (Saxaafaddu)  waa hay’adda ugu xooga weyn dunida , waayo waxay leeyihiin quwadda  inay danbiile ka dhigaan qof aan waxba galabsan oo barei ka ah xumaan iyo denbiyo. Halka qof denbiile ah ay ka dhigi karaan qof aan waxba samayn . Arrintaasina waa awoood ay leedahay, maxaa yeelay waxay maamusha maskaxaha bulshada”

Leave a Reply