Dawada Werwerka Iyo Cabsida Badan!

0
988

Xanuunka “Phobia” waa Cabsi-cuqdadeedka dhaliya walaac iyo cabsi joogto ah.Waxa uu ka mid yahay xanuunada nafsaaniga ah ee ku dhaca qofka kaasi oo qofka ay ku abuuranto cabsi iyo shaki joogto ah. Cabsidan waa mid aan joogsi lahayn, waxaana uu qofku uu baahan yahay inuu helo dhakhaatiirta xanuunada nafsaaniga ah daweeya.

Xanuunada loo diiwaan geliyay cudurkan waxa ka mid ah marka qofku uu cabsi ka qabo waxyaabo gaar ah inuu taabto ama arko.  Sida cudurka dhifta ah ee uu qofku ka baqdo had iyo jeer xaashidda midabka cadaanka ah, ama shay kale oo madow, cas , iwm.

Tusaale ahaan qofka cabsi ka qaada xaashidda cad waxa diidaya inuu xataa taabto warqadda. Waxa kale oo uu diidaya inuu arko warqadda cad isagoo had iyo jeer doonaya warqad midab kale.  Laakiin xanuunkani waa mid dhif ah, mana bogsado qofku ilaa uu la kulmo dhakhtar cilmi nafsiga ah , oo fahmaya xanuunkiisa.

Waxa kale oo uu diidaya inuu arko warqadda cad isagoo had iyo jeer doonaya warqad midab kale leh.  Xanuunadan oo kala duwan inta badan qofku kama bogsado ilaa uu la kulmo dhakhtar cilmi nafsiga ah , oo fahmaya xanuunkiisa. Waana xanuun dad badan ku dhacaa, kuwaasi oo is raaciya dunida iyo jacaylkeeda, waxa dawo ka ah cabsida Allah (sw) iyo cibaado badan.

 

Leave a Reply