Magaaladii Tirada Kisiga Ah!

0
523

Dadka ku nool magalaada ‘Solothurn’, oo ku taal waqooyiga-galbeed ee dalka Switzerland,waxa ay aad u jecel yihiin tirada 11.  Magaaladani waa mid qurux badan oo keh qaab dhismeed iyo muuqaal soo jiidasho  leh.

Magaaladan wax kasta waxa ay ku jaan go’an yihiin tirada 11. Waxa  magaalada ku yaalla 11 kaniisadood, 11 matxaf, 11 ilo biyood , 11 minaaradood, 11 jalad. Waxase kaba sii yaab badan in saacadda weyn eek u taalla magaalada ay ka kooban tahay tirada 11, iyadoo laga tiray tirada 12, marka ay dhaafto 11 , ma noqoto 12 waxase ay noqotaa kow.  Saacadda waxa ku dhinac yaall 11 jalas.

Ilo biyoodka lagu dalxiiso ee magaalada oo 11 ah, waxa ay leeyihiin 11 albaab, waxaana mid kasta ku xidhan 11 qabsadood. Qaab dhismeedkooda ayaa ah sadeex qaybood oo midkiiba ka kooban 11 mitir.

Haddaba sidee ayuu ku bilowday jacaylka ku jaan go’an tirada 11?  Ma jirto heshiis wax cad oo heshiis lagu yahay, laakiin khuraafaadka ay dadka magaaladu sheegan qaarkood ayaa “ In magaalada oo ku jirta nolol adag oo sixran, ay 11 jiman ahi buurta ka soodegeen isla markaana sixirkii ka fureen oo sidaasi ay barwaaqo ku noqotay.

Laakiin Diiwaanada taariikhda waxa ugu qoran in sanadkii 1252 golihii u horeeyay ee deegaan oo horumar gaadhsiiyay ay tiradoodu ka koobnayd 11 xubnood.   Iyadoo sanadkii 1841 ay noqotay 11 degmo. Markii danbena waxa ay u kala qaybsantay 11 maxmiyadood.

Nolosha dadka magaaladan ayaa iyana ku dhisan tirada 11, waxaana ay xafaladaha marka ay qabsanayaan ka dhigaan 11 xafladood. Dalxiiska ayaa magaaladan aad ugu badan iyagoo ay soo jiitaan tiradaasi mucjisada ah ee ay isticmaalaan. Inkasta oo ay arimahaasi jiraan haddana ma cadda sababta magaaladan wax kasta looga dhigay tirada 11, waxaana dad badani aaminsan yihiin inay tahaya tiro sixir ah.

 

Leave a Reply