Booliisku Waxay Heleen Nin Hurda Iyo TV

0
635

Booliska Jarmalka ayaa lagu soo wargeliyay goobta toogashada looga shakayay waxaana ay ka heleen nin gam’ay oo seexday isagoo daawanaya  filim si aad u cod dheer uga socday TV-ga.

Booliska Cologne ee dalkaasi ayaa sheegay in dhowr qof subaxnimadii Arbacada ee toddobaadkii hore (26 Agust) ay soo sheegeen inay maqleen rasaas ka dhacday guri dabaq ah oo ku yaal xaafadooda. Dhowr kooxood oo boolis ah ayaa hareereeyey laba dhisme oo deris ah abaaro 7.30 subaxnimo waxaana ay bilaabeen inay baadhaan guryaha.

Sida lagu daabacay warsidahah “washingtonpost” Booliiska Cologne ee Jarmalka  ayaa xidhay ninkan 34 jirka ah ee filimka daawanayay waxaana  la geeyay saldhigga booliska laakiin waa la sii daayay ka dib markii la aqoonsaday inuu ka mid yahay dadka deegaanka iyo in toogashada dhacaysay ay ahayd mid ka socotay filimka.

Leave a Reply