Waxtarka iyo Siraha ku Duugan Isticmaalka Kalluunka

0
613

Sida loo habeeyo Cunista kalluunka ayaa  la cadeeyay inuu faa’iido badan u leeyahay jidhka dadka weliba qofka cunaa ka xoog weyn yahay ka isticmaala hilibka adhiga.

Dadka ku nool dalka Somaliland ayaa leh cunto illaahay siiyay oo ku jirta badda dalkeena, laakiin aan isticmaalin badankoodu cunista ama ka ganacsiga kalluunka oo ah hilib aad u fiican.

Kalluunku wuxuu leeyahay boqol macne oo kala duwan iyo noocyo kala gedisan oo aan qoraal lagu soo jkoobi karayn, laakiin waxaanu idiin soo gudbin doonaa noocyada macnaha kalluunka qaar ka mid ah:

Kaluunka waxa uu macinihiisu yahay hilibka awoodda leh ee fiican, waxaana dalka Somaliland laga helaa dhamaan qaybihiisa kala duwan, lAakiin dadka ayaan aqoon maadaama aynu nahay dad ahaan jiray xoolo dhaqato oo ku noolaa hilibka xoolaha nool weligoodna isticmaali jiray oo ay adagtahay in si degdega ah looga tago cunista hilibka xoolaha nool. Waxaa jirta sida aynu wada ogsoonahay inaan badda Somaliland cidina ka guran kalluunka iyo khayraadka kale ee xalaasha ee ku dhex nool.

Maxaa looga baahan yahay dadka reer Somaliland inay fahmaan? Cunta la’aani kama jirto, waxa ugu muhiimsan sidii loogu dhaqaaqi lahaa ka faa’iidaysiga badda, si aynu uga helno cunto inagu filan imika iyo mustaqbalkaba.

Dhanka dawlada iyo wasaarada kaluumaysiga waxaa looga baahan yahay inay dadka ku wacyi galiyaan si xidhiidh ah, waliba ay dalka u raadiyaan sidii dab laydh (lights) jaban loogu heli lahaa si ay uga faa’iidaystaan kalluunka badda iskaga jira ee aan cidina guran, taasi waxay keeni kartaa in qoys weliba gaadhi doono inuu ku dhiirado inuu kaluumaysto, iyadoo lagaga maarmi doono hilibka xoolaha oo imika gabaabsi ku ah dalkeena, kana helaan caafimaad ka fiican kan ay hadda ku sugan yihiin (Illahay ayaa bixiya caafimaadkee).

Ku darso hilibku waxa uu leeyahay xanuuno badan sida aynu la wada socono maadaama (fat) baruur badani ay ku jirto, laakiin kalluunku malaha dux saamayn ku yeelan karta caafimaadka qofka, waxaanu leeyahay faa’iido badan, waanu ka macaan yahay hilibka cas, waxaanay ku bulshadeenu u baahan yihiin in la baro qaabka kalluumaysiga iyo qaabka loo kariyo kalluunka, isla markaana.

Leave a Reply